4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2009
Xaaladda Degmada Baardheere ee G/Gedo oo saaka degan

Talaado, March 10, 2009(HOL): Xaaladda Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo shalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Xoogag kala taabsan Ahlu Sunna Wal-Jamaaca iyo Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay degan tahay, inkastoo ay jirto cabsi ku saabsan in uu dagaalka dib u qarxo mar kale.

Dagaalka shalay oo bilowday kadib markii Xoogagga Al-Shabaab ay amar ku bixiyeen in la joojiyo Xus loo sameynayay dhalashadii Nabi Muxamed CSW, iyadoo amarkaasna ay ka soo horjeesteen Xoogag u daacad ah Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo ku sugnaa goobta uu xuska ka dhacay.

Dagaalkaas inta la xaqiijiyay waxaa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo gaaraya ruux dhimasho ah iyo ku dhawaad 10 dhaawac, iyadoo sidoo kalena uu jiro barakac soo gaaray dad ku noolaa nawaaxiga Masjidka Geed Awoowe ee Degmada Baardheere, halkaas oo ah meesha uu dagaalka xooggiisa ka dhacay.

Mas’uuliyiin u kala hadlay labada dhinac ayaa waxay isku eedeeyeen bilaabidda dagaalka, wuxuuna Shiikh C/raxmaan Al-Ansaari oo Ahlu Sunna u hadlay uu sheegay in iyagoo ku sugnaa goob ay xuska Nabiga ku sameynayeen ay ku soo weerareen Al-Shabaab, halka Shiikh Faarax Abuu Shureym oo Alshabaab u hadlay uu isna eedeyn taas la mid ah u jeediyay Xoogagga Ahlu Sunna, kuwaasi oo uu sheegay in ay weerar ku qaadeen goob ay xoogaggooda ku sugnaayeen.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Degmada Baardheerena waxay sheegayaan in oday dhaqameedyo iyo waxgarad deegaanka ah ay ku howlan yihiin sidii xal loogu heli lahaa dagaalkii  shalay ka dhacay Degmadaas, inkastoo aan la ogeyn sida ay dadaalladaas ugu hoggaansami doonaan dhinacyadii dagaallamay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia