4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2009
Al-Shabaab oo eedeyn u jeediyay Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed

Talaado, March 10, 2009(HOL): Mas’uul u hadlay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa eedeyn u jeediyay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Dowladda Midnimada Qarane e Soomaaliya.

Shiikh Cali Maxamed Xuseen oo ah Wakiilka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xubno ka socda Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ay shir u aadeen Dalka Qadar oo uu ku yaallo saldhig weyn oo uu Mareykanka ka weeraro Dalalka Muslimiinta ah ee Bariga Dhexe ku yaalla.

“Intaas waxaa sii dheer in Culumaa’udiinkaas ay dhawaanahan warbaahinta ka dacaayadeynayeen Mujaahidiinta ku sugan gudaha Soomaaliya, waxaan leenahay culumaa’udiinkaas haddii aad culimo tihiin ku imaada wadadii culimada lagu yaqiinay”ayuu yiri Shiikh Cali Maxamed Xuseen.

Wakiilka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir waxaa uu ka hadlay dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya iyo warar beryahan la isla dhexmarayay oo sheegayay in Baarlamaanka Soomaaliya uu dhawaan ansixinayo in Shareecada Islaamka dalka lagu xukumo.

“Waa arrin lala yaabo in ku dhaqanka Shareecada Islaamka mooshin la geliyo isla markaana cod loo qaado in lagu dhaqmayo iyo in aan lagu dhaqmeynin”ayuu yiri Shiikh Cali Maxamed Xuseen oo sheegay in ku dhaqanka Shareecada Islaamka uu yahay mid aan shaki la gelin karin.

Shiikh Cali Maxamed Xuseen ayaa hadalkan ka jeediyay fagaare lagu garbaashayay seddex dhalinyaro ah oo gabar ku kufsaday Muqdisho, kuwaasi oo qeybta garsoorka Al-Shabaab ay ku heshay dembiga ah in ay kufsi geysteen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia