4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2009
Maamulka Degmada Cadaado oo ka digay Dagaallo ka dhaca deegaannada hoos-yimaada Degmadaas

Talaado, March 10, 2009(HOL): Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka taliya deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa ka digay iska hor-imaadyo iyo nabadgelyo-darro ka dhacda degmada Cadaado iyo deegaanno hoos-yimaada.

Guddoomiyaha maamulkan ninka lagu magacaabo Maxamed C/llaahi ayaa sheegay in ay aad uga wel welsan yihiin maleeshiyooyin hubeysan oo iska soo horjeeda, isla markaana ku wada sugan Degmada Cadaado ay isku dhacaan, sidaasna ay Degmada Cadaado iyo deegaannada hoos-yimaada ay ku noqoto mid aanu ammaankeeda hagaagsaneyn.

“Degmada Cadaado waxaa hadda ku wada sugan maleeshiyooyin hubeysan oo kala aragti duwan, kuwaasi oo ay suurtagal tahay in ay isku dhacaan oo ay dagaallamaan”ayuu yiri Maxamed C/llaahi oo ka codsaday waxgaradka, odayaasha, siyaasiyiinta, culumaa’udiinka iyo ganacsatada  ka soo jeeda deegaankaas in ay u istaagaan sidii looga hortegi lahaa dagaal ka dhex dhaca maleeshiyooyinkaas.

“Si gaar ah waxaan uga codsaneynaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh C/qaadir Cali Cumar in uu wax ka qabto xiisadaha ka aloosan Degmada Cadaado iyo nawaaxigeeda”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Guddoomiyaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ee Gobolka  Galgaduud.

Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ee Gobolka Galgaduud ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay iska hor-imaadyo dhiig badan ku daatay ay ka jireen degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia