4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 24, 2009
Maxaa ka socda Jibouti?

Sabti, January 24, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in ay wanaagsan tahay rajada laga qabo in halkaas lagu soo dhiso Dowlad-Midnimo-Qaran oo baarlamaankeeda uu ka kooban yahay 550 Mudane.

Wararkii ugu dambeeyay ee Jibouti naga soo gaarayna waxay sheegayaan in saacadaha la socda la filayo in uu Xubnihiisa Baarlamaanka soo gudbiyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo kadibna uu shir isugu imaan doono Baarlamaanka Soomaaliya oo laga rajeynayo in uu furo Baarlamaanka si ay ugu soo biiraan Xubnaha cusub.

Marka uu Baarlamaanka Soomaaliya isku raaco in la ballaariyo Baarlamaanka, isla markaana ay ku biiraan xubnaha cusub ayaa waxaa la guda-geli doonaa doorashada madaxda Dowladda Midnimada Qaran, waxaana ugu horeeya guddoonka Baarlamaanka, kadibna Madaxweynaha oo isna soo magacaabi doona Ra’iisal Wasaare, waa haddii aan wax laga bedelin qaabkii loo soo dhisayay Dowladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya loo soo dhisay.

Dadaalka ka socda Dalka Jibouti ee la doonayo in Dowlad-Midnimo-Qaran loogu soo dhiso Soomaaliya ayaa waxaa si weyn uga dhur-sugaya Dadka Soomaaliyeed meel ay dunida ka joogaanba, waxaana si gaar ah isha ugu haya Dadka Muqdisho oo ku jira todobaadkii labaad oo ay si xor ah isaga kala gooshaan Degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii ay Ciidamada Itoobiya ka baxeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia