4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 24, 2009
Xildhibaannadii ugu dambeeyay oo saaka labo diyaaradood ay ka qaaday Magaalada Baydhabo

Sabti, January 24, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in saaka ay magaaladaas ka amba baxeen Xildhibaannadii ugu dambeeyay oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaasi oo ku sii jeeda dalka Jibouti.

Xildhibaannadan oo garoonka Baydhabo ka raacay labo diyaaradood ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqorre, inkastoo ay jiraan Xildhibaanno aan badneyn oo diiday in ay wafdigaas raacaan.

Xildhibaannada Baydhabo ku haray ee diiday inay Jibouti tagaan ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale. Xildhibaan Afaraale oo bixitaanka wafdigaas kadib Baydhabo kula hadlay warfidiyeennada ayaa wuxuu sheegay in sababta ay ugu hareen Baydhabo ay tahay iyagoo aanan ku qanacsaneyn sida uu u yiri waxa ka socda Jibouti iyo iyagoo doonaya in ay wax ka qabtaan Ammaanka Baydhabo.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee gaaray Dalka Jibouti ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda yeeshaan kulankoodii ugu horeeyay, kadibna ay u codeeyaan in Baarlamaanka la ballaariyo, si ay ugu soo biiraan Xildhibaannada ka imaanaya dhinaca Isbaheysiga Dib u xoreynta iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Magaalada Jibouti ayaa la filayaa in lagu soo dhiso Dowlad-Midnimo-Qaran, taasi oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, isla markaana taageero ka heysata Qaramada Midoobay Beesha Caalamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia