4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 24, 2009
Gabdhaha Kubadda Kolayga HEEGAN IYO HORSEED oo isugu soo haray ciyaarta kama dambeysta ah ee Horyaalka 25aad ee Kubadda Kolayga Soomaaliya


Sabti, January 24, 2009(HOL): Waxaa shalay garoonka Kubadda Kolayga 1-da Luulyo (Ex-Luujino) ka dhacday ciyaar ka tirsaneyd horyaalka 25aad ee Kubadda Kolyaga Soomaaliya.

Ciyaartaas oo aad u xiiso badneyd, isla markaana ay daawashadeeda ka qeybgaleen dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir waxaa isaga hor-yimid Kooxaha Gabdhaha Kubadad Kolayga Horseed iyo Heegan, waxaana 43-46 ku badisay Kooxda Heegan.

Ciyaartan haddii ay badin lahayd Kooxda Horseed waxay ahaan lahayd ciyaartii ugu dambeysay ee horyaalka, balse Kooxda Heegan oo ay wareeggii koowaad kaga soo badisay (60-68) ayaa badisay, waxayna taasi natiijada ka dhigtay in la isku celiyo labada kooxood, isla markaana loo dhigo ciyaar kama dambeys ah.

Waxaa xusid mudneyd in daawashada ciyaartii shalay ay ka qeybgaleen dadweyne aad u faro badan, kuwaasi oo intey fadhigii buuxiyeen istaag ku daawanayay iyagoo weliba ku qanacsan in aysan fadhi helin.

Markii uu garsoorihii ciyaarta ku dhawaaqay seeriga, isla markaana uu ishaaray in ay ciyaartii dhamaatay ayaa waxaa mar kaliya garoonka gudaha u galay taageerayaasha Kooxda Heegan oo cabsi ka qabay in ay Horseed guuleysato, koobka sidaas looga qaado.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo gunaanadkii ciyaarta kadib warfidiyeennada kula hadlay gudaha Garoonka Kubadda Kolayga 1-da Luulyo ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sida ay ciyaarta u dhacday, wuxuuna caddeeyay in todobaadka soo socda labada kooxood iyagoo maqsuud ah loo qaban doono ciyaartii kama dambeysta ahayd.

Wiish waxaa uu u mahadceliyay Dadweynaha ka soo qeybgala daawashada ciyaaraha ka dhaca Garoonka 1-da Luulyo, wuxuuna sheegay in la’aantood aysan suurtagasheen in ay ciyaaraha dha-dhan yeeshaan, sidoo kalena wuxuu u mahadceliyay ciyaartoyda, tababarayaasha iyo garsoorayaasha oo iyana dadaal dheeraad ah muujiyay.







Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia