4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 24, 2009
Isbitaalka SOS oo si rasmi ah u shaqo bilaabay kadib bixitaankii Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Muqdisho

Sabti, January 24, 2009(HOL): Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka SOS oo adeegyadiisa caafimaad ay gaabis noqdeen intii ay Ciidamada Itoobiyaanka deganaayeen Warshadda Baastada iyo Xeyla Bariise ayaa haatan howshiisa si caadi ah u bilaabay.

Isbitaalkan oo ah mid ay daweyn iyo quudin lacag la’aan ah ay ku helaan Hooyooyin iyo Dhallaan badan oo Soomaaliyeed ayaa haatan wuxuu si caadi ah u wataa howshiisa, waxaana maalin kasta lagu daweeyaan caruur kor u dhaafeysa 400, halka y jiraan haween markii ay si caadi ah u dhali waayeen qalliin loogu sameeyo, kuwaasi iyana aad u tiro badan.

Intii ay Dagaallada ka socdeen magaalada Muqdisho ee ay Ciidamada Itoobiyaanka deganaayeen Warshaddii Baastada iyo Xeyle Bariise waxaa Isbitaalka dhowr jeer ku dhacay Madaafiic ay soo tuureen Ciidamada Itoobiya, iyadoo ay taasi keetay in ay gudaha Isbitaalka dhimasho iyo dhaawac ku soo gaarto qaar ka mid ah ilaalada iyo weliba bukaannadii ku jiray.

Duqeyntaas waxay keentay in Isbitaalka ay howlihiisa gaabis noqdaan, isla markaana ay ka barakacaan Caruur isugu jirta Agoon iyo kuwo waalidiintoodii ay xooreen, kuwaasi oo gudaha Isbitaalka ku hoystay hoy, cunto iyo waxbarasho.

Dib u howlgelidda Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka SOS waxaa si weyn u soo dhaweynaya Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo daryeel caafimaad ka hela.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia