3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 24, 2009
Waxyaabihii keenay dagaalladii ka dhacay Wadajir iyo Dharkeenley oo maanta la xalinayo

Sabti, January 24, 2009(HOL): Waxgarad iyo Odayaal ku howlanaa maalmihii aynu ka sooo gudubnay sidii xal loogu heli lahaa dagaallo khasaare badan geystay oo ka dhacay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ayaa waxay sheegeen in uu dadaalkooda waan waanta ah meel wanaagsan u marayo.

Nabaddoon Xasan Siicow iyo Shiikh C/samad oo ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka dadaalka nabadeed wada ayaa sheegay in ay horay ugu guuleysteen in xabadda la joojiyo, maantana ay u howlgelayaan sidii loo qaadi lahaa jid-gooyin u yaala ciidamada maamullada Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley, kuwaasi oo la rumeysan yahay in ay keeneen dagaalladii dhacay.

Dagaalladii ka dhacay Degmooyinkaas oo dhexmaray xoogag kala taabacsan maamullada labada degmo iyo Jabhul Islaamiya, isla markaana ay ku dhinteen dad 10 ruux gaaraya ayaa wuxuu qarxay kadib markii mas’uuliyiinta Jabhul Islaamiya ay amar ku bixiyeen in jid-gooyooyinkaas la qaado, halka mas’uuliyiinta degmooyinkaasna ay ka biyo diideen amarkaas.

Odayaasha iyo Waxgaradka waan waanta ka dhex wada labada dhinac ayaa waxay u muuqdaan kuwo kalsooni ku qaba in ay dhameeyaan waxyaabihii dhaliyay dagaalkii degmooyinkaas ka dhacay oo sababay dhimasho, dhaawac, bur bur hantiyeed iyo barakac aad u baahsan.

Ugu dambeyntiina, dadaallada xal-doonka ah ee ay wadaan Odayaasha iyo Waxgaradka Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dad badan oo ku dhaqan degmooyinkaas, kuwaasi oo muddo labo maalmood ah ay dagaallo dushooda ka dhacayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
1/24/2009 11:27 AM EST
Sabti, January 24, 2009(HOL): Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Taliska Booliska ayaa shaaca ka qaaday in qofkii fuliyay qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarrama uu ahaa nin Ajnabi ah.

1/24/2009 6:32 AM EST
Sabti, January 24, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in ay wanaagsan tahay rajada laga qabo in halkaas lagu soo dhiso Dowlad-Midnimo-Qaran oo baarlamaankeeda uu ka kooban yahay 550 Mudane.

1/24/2009 5:52 AM EST
Sabti, January 24, 2009(HOL): Qarax is-miidaamin ah oo khasaare xooggan geystay ayaa wuxuu maanta ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasna lala eegtay Ciidamada Amisom ee Wadadaas ku sugan.

1/24/2009 3:32 AM EST
Sabti, January 24, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in saaka ay magaaladaas ka amba baxeen Xildhibaannadii ugu dambeeyay oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaasi oo ku sii jeeda dalka Jibouti.

1/24/2009 3:32 AM EST
Sabti, January 24, 2009(HOL): Waxaa shalay garoonka Kubadda Kolayga 1-da Luulyo (Ex-Luujino) ka dhacday ciyaar ka tirsaneyd horyaalka 25aad ee Kubadda Kolyaga Soomaaliya.

1/24/2009 3:31 AM EST
Sabti, January 24, 2009(HOL): Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka SOS oo adeegyadiisa caafimaad ay gaabis noqdeen intii ay Ciidamada Itoobiyaanka deganaayeen Warshadda Baastada iyo Xeyla Bariise ayaa haatan howshiisa si caadi ah u bilaabay.

1/24/2009 3:27 AM EST
Sabti, January 24, 2009(HOL): Bilihii ugu dambeeyay waxaa mar kale soo cusboonaaday dagaallo u dhaxeeya Beelaha Abgaal iyo Xawaadle oo kala dega Goballada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan, waxaana inta la og-yahay tan iyo wixii ka danbeeyay hishiis ay horay u gaareen ku dhawaad 20 ruux kadib markii ay weerarro gaadmo ah ay ku qaadeen kooxo hubeysan oo ka soo kala jeeda labada dhinac.

1/24/2009 3:20 AM EST
Sabti, January 24, 2009(HOL): Xafladan Caawa lagu Maamuusayay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya Dalka laguna taagerayay Hanaanka Nabada Jabuuti ,waxaa soo agaasimay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Qaahira.

1/24/2009 3:12 AM EST
Sabti, January 24, 2009(HOL): Waxaa manta magalada kuala lumpur ee caasimada dalka Malaysia lagu aasay marxuud C/khadar C/qaadir Saciid oo kamid ahaa ardeyda Soomaaliyeed ee tacliinta u joogta dalkaan, kaas oo maalintii shalay aheed ugeeriyooday dhawac aad u halis ahaa oo ey ugeesteen qolyo naxariis lawayaal ah oo kamid hindida madowga ee u dhalatay dalkaan Malaysia oo sida la sheegay ey is gaareen.