4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2009
Madaafiic lagu weeraray Dekedda Muqdisho oo Dhimasho iyo Dhaawac sababay

Khamiis, February 12, 2009(HOL): Labo Ruux oo ka mid ah Shaqalaha Rayidka ah ee Dekedda Muqdisho ayaa geeriyootay, ku dhawaad 10 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii maanta madaafiic hoobiyayaal ah lagu weeraray Dekedda Muqdisho.

Madaafiicda Dekedda lagu weeraray oo qaarkood ay gudaha Dekedda ku dhaceen, qaar kalena ay ka gudbeen ayaa waxay  hakad geliyeen dhaqdhaqaaqii Dekedda ka socday, gaar ahaan howlihii dejinta ahaa ee u socday Ganacsatada.

Xiliga Madaafiicda lagu weerarayay Dekedda Muqdisho ayaa waxaa Dekedda ku xirnaa Markab Qalab u sida Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan, waxayna dad arkay qalabkaas ay sheegeen in uu qornaa magaca UN-ka, iyadoo ay xusid mudan tahay in qalabka la dejinayay uu isugu jiray Gaadiid iyo walxo kale oo Konteenarro ku qafilan.

Waa Markii ugu horeysay oo Madaafiic lagu weeraray Dekedda Muqdisho ay dhimasho geystaan, marka laga reebo in ay jireen dad ku dhaawacmay madaafiic Dekedda horay loogu weeraray. Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay in ay ka dambeysay madaafiicdaas Dekedda lagu garaacay.

Dekedda Muqdisho oo ay dib u howlgeliyeen Maxkamadihii Islaamka ee Muqdisho ka talinayay bartamihii 2006 kadib dhowr sano oo ay u xirneyd Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ayaa waxaa labadii sano ee ugu dambeysay gacanta ku heysay Dowalddii TFG-da oo saraakiishii u qaabilsaneyd ay ilaa haatan ka shaqeeyaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia