4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2009
Xisbiga Kulmiye oo ka digay in Xilka laga qaado Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland

Khamiis, 12 February 2009 (HOL): Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka digay khatar iyo cawaaqib xumo ka dhalan karta dhaqdhaqaaq la xidhiidha sidii Xilka looga qaadi lahaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, kaas oo uu tilmaamay inay ku hawlan tahay Madaxtooyadu.

Muuse Biixi oo shalay galab shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga Kulmiye ee Hargeysa, wuxuu ka hadlay mooshinka xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Guurtida, siidaynta laba Nin oo dhawaan lagu qabtay Gantaalaha Lidka diyaaraddaha oo Xukuumadda Somaliland sheegtay inay xoriyadoodii u celisay, aragtida Somaliland ee isbedelka siyaasaddeed ee Soomaaliya iyo arrimo kale.

“Waxaynu ku jirnaa doorashadii, maantana (shalay) waxay saddexda Xisbiba xareeyeen Murashaxiintii doorashada Madaxtooyada u sharaxnayd, shalayna (doraad) waxaa la saxeexay heshiiskii tiro-koobka lagu hufayay ama lagu shaandhaynayay, dalku wuxuu ku jiraa doorashadii ugu weynayd oo ah ta Madaxtooyada. Markaa maanta hay’ad walba, qof walba iyo urur walba waxaa waajib qararn ah inuu Nabadgelyada ilaaliyo, wixii dhexdiisa ahna dhulka dhigo oo aynu dhamaanteen u jeedsano si Nabadgelyo iyo degenaansho inoogu dhacdo doorashada Madaxtooyadu.” Sidaa ayuu yidhi Muj. Muuse Biixi. Wuxuuna intaa raaciyay, “Markaynu Distoorka eegno, dalka labada hay’addood ee ugu sareeyaa waa Madaxtooyada iyo Golaha Guurtida, baratakoolka (maamuuska) koowaadna waxaa leh Madaxtooyada iyo Shirguddoonka Guurtida. Waxaa nasiib-daro ah, oo aan caqliga geli karayn oo aan waqtigeedii ahayn in maanta laga bilaabo olole in Shirguddoonka Guurtida la bedelo.

Dalku ma qaadi karo in labada hay’addood ee ugu sareeyaa isku waqti doorasho galaan, taasna Distoorkeenu wuu kasii talogalay in labadaa hay’addood marna isku sannad doorasho wada gelin, waayo cimriga Madaxtooyadana waxaa laga dhigay shan sannadood ka Guurtidana lix sannadood, ujeedaduna waxa weeye waa labadii hay’addood ee dalka ugu sareeyayoo waa in midi joogtaa, midna doorashada ku jirtaa. Waxaanu u aragnaa arrintaas cida ka talisa iyo cida ka dambaysa in aanay Somaliland u danaynayn. Waxay u muuqataa inuu cadow sawaabani soo gacan geliyay oo uu inoo dhigay qorshe ah in umaddu khalkhal siyaasi ah iyo doorashooyin mar qudha wada gasho. Waxaan leeyahay cida arrintaas soo abaabushay waa cid aan ka fekerin nuxurka danta Somaliland siyaasiyan iyo Nabadgelyo ahaanba. Sidaa darteed, waxaanu si qaylo dheer ugu baaqaynaa cida arrintaa abaabulaysa inay maanta cagta u dhigaan, waayo marka hore waxay carqaladaynayaan doorashada Madaxtooyada, mar labaadka waxay gilgilayaan doorashada Golaha Guurtida, mar saddexaadkana haddii maanta aynu doorashada galno (Madaxtooyada) wax soo bixi doona ma garanayno, taasina inoo dan maaha.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye Ku-xigeenka xisbiga Kulmiye, waxa uu sheegay in xisbi ahaan Guddoomiyaha Golaha Guurtidu ahaa ninkii ugu adkaa ee ka soo horjeeday, sidaa darteedna khilaafkan Saleebaan-gaal iyo Madaxtooyada ay uga faa’iidaysan karaan hab siyaasi ah, balse ay ka eegayaan danta guud ee qaranka.

“Annaga Kulmiye ahaan, Shirguddoonka Guurtida tusaale ahaan Saleebaan oo kale waa ninkii ugu adkaa ee naga soo horjeeday. Haddii aanu dantayada siyaasiga ah ka eegi lahayn oo Kulmiye ahmiyada siiyo sidii aad u qaangaadhaan xisbigu, ee aanaan tu qaran ka eegayn waxaanu odhan lahayn UDUB baa is haysata oo Shirguddoonkii la leeyahay hakala ridato, haynoo kala jabto, laakiin taas uma aragno……Saleebaan waa ninkii ugu adkaa ee naga soo horjeeday ee doorashadii hore la wada ogaa inuu ahaa ninkii 80% hirgeliyay in UDUB guulaysato, maantana Shirguddoon iyo awoodaa u leh. Markaa haddii aanu dan siyaasi ah oo timi ka ka eegayno waxaanu odhan lahayn waaba fursade ka faa’iidaysta, laakiin uma aragno taas. Danta qaranku laba doorasho oo Guurti iyo Madaxtooyo ma geli kartee halaga daayo ayaanu leenahay.” Sidaa ayuu yidhi Muj. Muuse Biixi.  Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaanu soo jeedinaynaa Guurtidu hadday Shirguddoonkeeda bedelayso ha sugto inta doorashada Madaxtooyada la qabanayo, ha noqoto sidii xeerku ahaa ee loo dhigtay halka hadhowto muranka kala saaraysa. Odayaasha Guurtida hadday ha hoostay, haddii loo soo dhiibay iyo hadday meel soke wax ka eegeen dib hawga fiirsadaan, hana sugaan doorashada Madaxtooyada wixii ka dambeeyay”.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland