4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2009
Taliyaha Booliska Somaliland oo sheegay in ay Berbera ku qabteen 7 nin oo Budhcad-badeed ah

Khamiis, 12 February 2009 (HOL): Taliyaha Ciidanka Boliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad ayaa sheegay in ay qabteen koox lagu tuhmay inay qorsheynayeen Falal budhcad-badeednimo.

Taliyaha Booliska ayaa shalay sheegay in ciidamada Bolisku ay habeen hore  ku qabteen guri yaal magaalada Berbera Tobadan (7) nin oo sida uu hadalka u dhigay budhcad badeed ah iyo hub fudud oo ah qoryaha loo yaqaano Ak 47 iyo rasaas.

Taliyuhu waxa uu intaa ku daray in sidoo kale ay gurigaa ugu tageen laba salaan iyo aalad wax lagu iftiinsado oo uu sheegay in loogu tala-galay hawl-galka.

Saqadhi waxa uu sheegay in eedaysanayaashani ay ka yimaadeen dal ka mid ah kuwa la dariska ah Somaliland, kaasoo aanu magac dhabin dalka uu yahay. Taliyaha Bolisku waxa uu sheegay in eedaysanayaashan la hor geyn doono Maxkamad.

Maaha markii ugu horeysay ee Ciidamada amaanka Somaliland ay qabtaan dad lagu tuhunsan-yahay abaabul Budhcad-badeednimo oo ku aadan Biyaha Somaliland, kuwaasoo hore xukuno maxkamadeed loogu gudbiyay Xabsiyada dalka.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland