3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2009
Afhayeenka Al-Shabaab oo sheegay in aysan jirin wada hadallo dhexmarin isaga iyo Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow  (Abuu Mansuur)
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobo (Abuu Mansuur) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa wuxuu sheegay in aysan jirin wax wada hadallo ah oo dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

“Warkaas waxaa sheegay Warbaahinta qaar, mana jiro xiriir na dhexmaray aniga iyo Dowladda Shiikh Shariif, mana na dhexmari doono, wax kuma darsan, kumana darsan doonno”ayuu yiri Abuu Mansuur oo sheegay in Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif iyo Dowladdii uu Madaxweynaha ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed aysan waxba is-dhaamin.

“Dowladdan waa Dowladdii C/llaahi Yuusuf, Kursigana waa kursigii C/llaahi Yuusuf”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo intaas ku daray in ay sii wadayaan dagaalkii ay kula jireen Ciidamada Shisheeye iyo Dowladda Soomaaliya.

Afahyeenka Al-Shabaab waxaa uu ka hadlay Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay heleen war ku saabsan in Markab Saanad Mileteri u wada Ciidamada Amisom uu ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, “Ciidamadaas waxaan leenahay dalka nooga baxa, kuwa soo socda oo ay Nigeria ka mid tahayna waxaan leenahay ha noo imaanina”ayuu yiri Abuu Mansuur.

Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobo Abuu Mansuur ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay la isla dhexmarayay warar sheegayay in ay wada hadallo dhexmareen Abuu Mansuur iyo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
2/12/2009 10:05 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Labo Ruux oo ka mid ah Shaqalaha Rayidka ah ee Dekedda Muqdisho ayaa geeriyootay, ku dhawaad 10 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii maanta madaafiic hoobiyayaal ah lagu weeraray Dekedda Muqdisho.

2/12/2009 7:55 AM EST
Khamiis, 12 February 2009 (HOL): Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka digay khatar iyo cawaaqib xumo ka dhalan karta dhaqdhaqaaq la xidhiidha sidii Xilka looga qaadi lahaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, kaas oo uu tilmaamay inay ku hawlan tahay Madaxtooyadu.

2/12/2009 7:53 AM EST
Khamiis, 12 February 2009 (HOL): Taliyaha Ciidanka Boliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad ayaa sheegay in ay qabteen koox lagu tuhmay inay qorsheynayeen Falal budhcad-badeednimo.

2/12/2009 5:03 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Madaxwaynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa shalay gelinkii danbe booqday xeebta Mareero oo laga tahriibiyo dadka doonaya in ay aadaan xeebaha dalka Yemen.

2/12/2009 4:30 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wuxuu ka hadlay dowladda cusub ee loo soo dhisay Soomaaliya.

2/12/2009 4:22 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay gacan ku dhigeen 7 Burcad Badeed Soomaali ah oo doonayay in ay af-duubtaan Doon ganacsi oo mareysay Gacanka Cadmeed.

2/12/2009 4:20 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Xisbiga la magac-baxay Xisbul Islaam oo ay ku midoobeen afar kooxood oo ka tirsan Kooxaha ka dagaallama Soomaaliya ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu maamul Islaami ah u sameeyay Gobolka Gedo.

2/12/2009 4:17 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Waxaa saaka hawada dib ugu soo noqotay Isgaarsiintii Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku xiri jirtay guud ahaan caalamka iyo gaar ahaan gobollada kale ee Dalka Soomaaliya.

2/12/2009 4:14 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Saddexda Xisbi Siyaasi iyo Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa si wada-jir ah Qalinka ugu duugay Heshiis nuxurkiisu yahay hawlgelinta Agabka kaydinta iyo kala saaridda dadkii is-diiwaangeliyay (Server) iyo qaabka loo waajayo.

2/12/2009 4:11 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Kadib markii ganacsatadada yar-yar ee Wadankan u dhalatay ay cadaadis kala kulmeen shruuc ay dowladda kusoo rogtay oo ah in ay shatiyo u sameystaan goobaha ay ku ganacsadaan khaasatan goobaha lagu iibiyo qamriga oo dowladdu ay ku soo rogtay in goobahaasi la xiro haddii aysan laheyn waraaqo ogolaasho ah oo dowladda ka socda.