4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2009
Ciidanka Booliska Boosaaso oo gacanta ku dhigay qalab ay lahaayeen Burcad Badeed iyo Madaxwaynaha Puntland oo booqday Xeebta Mareero

Khamiis, February 12, 2009(HOL):  Madaxwaynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa shalay gelinkii danbe booqday xeebta Mareero oo laga tahriibiyo dadka doonaya in ay aadaan xeebaha dalka Yemen.

Waxaa xiligaaasi madaxwaynaha koormeerkiisa ku wehliyay ku xigeenkiis C/samad Cali Shire iyo ciidamo uu hoggaaminayay taliye  ku xigeenka Ciidanka Boolis DGPL Maxamed Siciid Jaqanaf .

Ciidanka Booliska  ayaa gacanta ku soo dhigay qalab isugu jira doonyo nooca dheereeya ah iyo raashin aad u fara badan oo ay ka carareen,waxaana lagu xiray dadkaas mid ka mid ah saldhigyada magaalada Boosaaso.

Maxamed Siciid Jaqanaf taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska DGPL oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dadka la qabtay maalmo kadib la soo taagi doono maxkamada magaalada Boosaaso, kadibna lagu qaadi doono wixii ay muteystaan.

Waa markii ugu horaysay oo gacanta lagu soo dhigo kooxo caynkaan oo kale ,waxaana ay timid qabashadooda kadib markii madaxwyanaha uu booqday xeebta mareero oo horay u ahaan jirtay deked macmiil ah.

Tan iyo intii uu Magaalada Boosaaso soo gaaray Madaxwaynaha magaalada Boosaaso ,waxaa soconayay dadaallo aad u ballaaran oo lagu sugayo amniga Magaalada Boosaaso oo habeenno ka hor ahayd mid khal khal ku jirta kadib falal dil ah oo ka dhacay.

Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia