3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2009
JEN. MAXAMED NUUR GALAAL: “Waxaan leeyahay Madaxweynaha cusub soo xulo Dad Mas’uuliyiin ah oo aan ahayn hebel iyo hebelyo badan oo burburiyay dowlado horay loogu soo dhisay Soomaaliya”

Jen. Maxamed Nuur Galaal
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wuxuu ka hadlay dowladda cusub ee loo soo dhisay Soomaaliya.

Jen. Galaal oo isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay, soona dhaweynayo Dowladda cusub ee Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu rajo ka qabo in dowladdan oo ay ku wada jiraan dowladdii hore ee TFG-da iyo Mucaaradkii ka soo horjeeday ay wax badan qaban doonto.

“Marka laga yimaado in aan soo dhaweynayo, waxaan rabaa in aan talooyin ujeediyo madaxweynaha Dowladda cusub ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxayna tahay talada aan siinayo in uu ka feejignaado waxybihii lugta jiiday ee burburiyay dowladihii soo maray Soomaaliya”ayuu yiri Jen. Galaal oo sheegay in madaxweynaha cusub uu yahay Nin ay inta badan dadka Soomaaliyeed ku barteen Maxkamadihii Islaamka ee lixda bilood ka talinayay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

“Waxaan leeyahay Madaxweynaha cusub soo xulo Dad Mas’uuliyiin ah oo aan ahayn hebel iyo hebelyo badan oo burburiyay dowlado horay loogu soo dhisay Soomaaliya”ayuu yiri Jen. Galaal oo intaas ku daray in uu kula talinayo Dowladda cusub in ay sameysato Ciidamo Qaran oo ammaanka la suga, “Waayo Ciidamada iyagaa dowladnimada yaqaana, iyagaa ammaanka sida loo xasilinayo yaqaan” ayuuna hadalkiisa ku sii daray.

Mar wax laga weydiiyay Jen. Galaal in uu xil ka doonayo Dowladda cusub waxaa uu sheegay in uusan ahayn qof xil u ordayo hayeeshee waxaa uu sheegay in uu diyaar la yahay wixii talo ah ee looga baahdo, “Aniga xil-doon maahi, Dowlad badan oo Dalkan soo marayna xil kama qaban”ayuuna yiri Jen. Maxamed Nuur Galaal.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
2/12/2009 10:05 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Labo Ruux oo ka mid ah Shaqalaha Rayidka ah ee Dekedda Muqdisho ayaa geeriyootay, ku dhawaad 10 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii maanta madaafiic hoobiyayaal ah lagu weeraray Dekedda Muqdisho.

2/12/2009 7:55 AM EST
Khamiis, 12 February 2009 (HOL): Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka digay khatar iyo cawaaqib xumo ka dhalan karta dhaqdhaqaaq la xidhiidha sidii Xilka looga qaadi lahaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, kaas oo uu tilmaamay inay ku hawlan tahay Madaxtooyadu.

2/12/2009 7:53 AM EST
Khamiis, 12 February 2009 (HOL): Taliyaha Ciidanka Boliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad ayaa sheegay in ay qabteen koox lagu tuhmay inay qorsheynayeen Falal budhcad-badeednimo.

2/12/2009 6:23 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobo Cali (Abuu Mansuur) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa wuxuu sheegay in aysan jirin wax wada hadallo ah oo dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

2/12/2009 5:03 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Madaxwaynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa shalay gelinkii danbe booqday xeebta Mareero oo laga tahriibiyo dadka doonaya in ay aadaan xeebaha dalka Yemen.

2/12/2009 4:22 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay gacan ku dhigeen 7 Burcad Badeed Soomaali ah oo doonayay in ay af-duubtaan Doon ganacsi oo mareysay Gacanka Cadmeed.

2/12/2009 4:20 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Xisbiga la magac-baxay Xisbul Islaam oo ay ku midoobeen afar kooxood oo ka tirsan Kooxaha ka dagaallama Soomaaliya ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu maamul Islaami ah u sameeyay Gobolka Gedo.

2/12/2009 4:17 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Waxaa saaka hawada dib ugu soo noqotay Isgaarsiintii Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku xiri jirtay guud ahaan caalamka iyo gaar ahaan gobollada kale ee Dalka Soomaaliya.

2/12/2009 4:14 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Saddexda Xisbi Siyaasi iyo Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa si wada-jir ah Qalinka ugu duugay Heshiis nuxurkiisu yahay hawlgelinta Agabka kaydinta iyo kala saaridda dadkii is-diiwaangeliyay (Server) iyo qaabka loo waajayo.

2/12/2009 4:11 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Kadib markii ganacsatadada yar-yar ee Wadankan u dhalatay ay cadaadis kala kulmeen shruuc ay dowladda kusoo rogtay oo ah in ay shatiyo u sameystaan goobaha ay ku ganacsadaan khaasatan goobaha lagu iibiyo qamriga oo dowladdu ay ku soo rogtay in goobahaasi la xiro haddii aysan laheyn waraaqo ogolaasho ah oo dowladda ka socda.