4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2009
Ciidamada Badda Mareykanka oo Xeebaha Soomaaliya ka qabtay 7 Burcad Badeed ah

Khamiis, February 12, 2009(HOL): Ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay gacan ku dhigeen 7 Burcad Badeed Soomaali ah oo doonayay in ay af-duubtaan Doon ganacsi oo mareysay Gacanka Cadmeed.

Doonta Ganacsi ee ay Kooxaha Burcad Badeedka ah doonayeen in ay qafaashaan ayaa markii ay aragtay in ay halis ugu jirto in la af-duubto ayaa waxay xiriir cabasho ah la sameysay Markab Dagaal oo uu Mareykanka leeyahay, kaasi oo ku sugnaa meel aan u dheereyn, kadibna si dhaqsi ah ayuu ugu jawaabay, wuxuuna gaaray halkii ay doontaas ku sugneyd.

Markabka dagaal ee uu Mareykanka leeyahay oo lagu magacaabo USS Vella Gulf ayaa ciidamada saran waxay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan 7 Burcad Badeed Soomaali ah, kuwaasi oo hadda dul-saaran markabka Mareykanka.

Burcad Badeedkan ayaa la filayaa in loo gudbiyo Dalka Kenya, halkaasi oo lagu soo taagi doono Maxkamad qaadi doonta dacwadda lagu soo oogay oo ah in ay ahaayeen Burcad af-duub ka geysaneysay Xeebaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia