4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2009
Xisbul Islaam oo maamul u sameeyay Gobolka Gedo

Khamiis, February 12, 2009(HOL): Xisbiga la magac-baxay Xisbul Islaam oo ay ku midoobeen afar kooxood oo ka tirsan Kooxaha ka dagaallama Soomaaliya ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu maamul Islaami ah u sameeyay Gobolka Gedo.

Shiikh Farxaan Ciil-mooge oo ah Afhayeenka Xisbul Islaam ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in maamulka ay u sameeyeen gobolka Gedo uu yahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka ka hirgelinayo Gobolkaas, wuxuuna caddeeyay in maamulka ay sameeyeen uu leeyahay Guddoomiye Gobol, ku xigeenkiisa iyo Afhayeen.

Horay Waxaa Gobolka Gedo uga jiray maamul uu sameeyay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, kaasi oo isna mas’uuliyiinta sameeyay ay sheegeen in uu  yahay mid dadka ku dhaqaya Shareecada Islaamka, isla markaana u kala cadaalad falaya.

Shiikh Barre Maxamed Faarax oo ka tirsan mas’uuliyiinta maamulka uu Dhaqdhaqaaq Al-Shabaab ka hirgeliyay Gobolka Gedo, isla markaana wax laga weydiiyay sida ay labo maamul uga jiri karaan Gobolka Gedo ayaa sheegay in maamullada ka jira Gobolka ay yihiin kuwo ISlaamiyiin ah oo aan wax dhib ah isku qabin.

“Maamullada halkan ka jira waa kuwo loo sameeyay in ay kor u qaadaan kalmadda Alle, mana jiraan wax dhibaato ah oo u dhaxeeya”ayuu yiri Shiikh Barre Maxamed Faarax oo intaas ku daray in Gobolka Gedo ay ka jiraan maxkamado Islaamka oo dadka ugu kala xaq-soora si cadaalad ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia