3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2009
Isgaarsiintii Degmada Xudur oo hawada ku soo noqotay

Khamiis, February 12, 2009(HOL): Waxaa saaka hawada dib ugu soo noqotay Isgaarsiintii Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku xiri jirtay guud ahaan caalamka iyo gaar ahaan gobollada kale ee Dalka Soomaaliya.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa isgaarsiinta degmadaas hawada ka maqneyd, waxaana amarka hawada looga bixiyay lahaa mas’uuliyiinta maamullada gobollada Bay iyo Bakool iyo XIldhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka SOomaaliya.

Lama oga sababta ay mas’uuliyiintaas hawada uga bixiyeen isgaarsiinta degmada Xudur, waxaase loo maleynayaa in ay salka ku heyso xiisad dagaal oo maalmihii aanu ka soo gudubnay ka oogneyd deegaanno hoos yimaada degmadaas, iyadoo xiisadddaasna ay u dhaxeysay Xoogag u kala daacad ah mas’uuliyiinta Dowladda ee ku sugan Xudur iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Xiisaddaas ayaa waxaa qaboojiyay Odayaasha iyo Waxgaradka Digil iyo Mirifle, kuwaasi oo wada hadallo gooni gooni ah la yeeshay mas’uuliyiinta  Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Federaalka eek u sugan Gobollada Bay iyo Bakool.

Isgaarsiinta Degmooyinka waa weyn ee Gobollada Bay iyo Bakool ayaa hawada laga saaraa mar kasta oo ay dhinacyada ka taliya gobolladaas ay sameynayaan dhaqdhaqaaqyo dhinaca mileteriga ah, waxayna awaamiirta isgaarsiinta lagu daminayo ay aad u soo bixi jireen intii ay Ciidamada Itoobiyaanka ku sugnaayeen Gobolka Bay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
2/12/2009 10:05 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Labo Ruux oo ka mid ah Shaqalaha Rayidka ah ee Dekedda Muqdisho ayaa geeriyootay, ku dhawaad 10 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii maanta madaafiic hoobiyayaal ah lagu weeraray Dekedda Muqdisho.

2/12/2009 7:55 AM EST
Khamiis, 12 February 2009 (HOL): Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka digay khatar iyo cawaaqib xumo ka dhalan karta dhaqdhaqaaq la xidhiidha sidii Xilka looga qaadi lahaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, kaas oo uu tilmaamay inay ku hawlan tahay Madaxtooyadu.

2/12/2009 7:53 AM EST
Khamiis, 12 February 2009 (HOL): Taliyaha Ciidanka Boliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad ayaa sheegay in ay qabteen koox lagu tuhmay inay qorsheynayeen Falal budhcad-badeednimo.

2/12/2009 6:23 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobo Cali (Abuu Mansuur) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa wuxuu sheegay in aysan jirin wax wada hadallo ah oo dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

2/12/2009 5:03 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Madaxwaynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa shalay gelinkii danbe booqday xeebta Mareero oo laga tahriibiyo dadka doonaya in ay aadaan xeebaha dalka Yemen.

2/12/2009 4:30 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wuxuu ka hadlay dowladda cusub ee loo soo dhisay Soomaaliya.

2/12/2009 4:22 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay gacan ku dhigeen 7 Burcad Badeed Soomaali ah oo doonayay in ay af-duubtaan Doon ganacsi oo mareysay Gacanka Cadmeed.

2/12/2009 4:20 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Xisbiga la magac-baxay Xisbul Islaam oo ay ku midoobeen afar kooxood oo ka tirsan Kooxaha ka dagaallama Soomaaliya ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu maamul Islaami ah u sameeyay Gobolka Gedo.

2/12/2009 4:14 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Saddexda Xisbi Siyaasi iyo Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa si wada-jir ah Qalinka ugu duugay Heshiis nuxurkiisu yahay hawlgelinta Agabka kaydinta iyo kala saaridda dadkii is-diiwaangeliyay (Server) iyo qaabka loo waajayo.

2/12/2009 4:11 AM EST
Khamiis, February 12, 2009(HOL): Kadib markii ganacsatadada yar-yar ee Wadankan u dhalatay ay cadaadis kala kulmeen shruuc ay dowladda kusoo rogtay oo ah in ay shatiyo u sameystaan goobaha ay ku ganacsadaan khaasatan goobaha lagu iibiyo qamriga oo dowladdu ay ku soo rogtay in goobahaasi la xiro haddii aysan laheyn waraaqo ogolaasho ah oo dowladda ka socda.