4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2009
Nuxurka Heshiis ay kala saxeexdeen Saddexda Xisbi Siyaasadeed iyo Guddida Doorashooyinka Somaliland


Wakiillada Seddexda Xisbi ee Somaliland iyo Guddiga Doorashada. SAWIRKA: BARQAD KAARIYE/HOL


Khamiis, February 12, 2009(HOL): Saddexda Xisbi Siyaasi iyo Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa si wada-jir ah Qalinka ugu duugay Heshiis nuxurkiisu yahay hawlgelinta Agabka kaydinta iyo kala saaridda dadkii is-diiwaangeliyay (Server) iyo qaabka loo waajayo.

Heshiiskan ayaa inkasta oo markii hore uu Xisbiga UDUB ka cudur-daartay in uu waqtigaa saxeexo, isla markaana uu dalbaday in waqti uu kaga soo baaraan-dego la siiyo, haddana ka dib markii Axsaabta Mucaaradka ahi isku raaceen in ay saxeexayaan ayuu Xisbiga UDUB halkaa ku saxeexay.

Munaasibaddii Saxeexa Heshiiskan oo ay ka qayb galeen Masuuliyiin ka kala socoday Saddexda Xisbiga Siyaasi, Komishanka, Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta iyo marti-sharaf kale, ayaa ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay  Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Jaamac Maxamed Cumar (Sweden) oo ku dheeraaday faa’iidada Diiwaangelinta, waxaanu sheegay in guulo waawayn laga gaadhay, balse wuxu qiray in ay jireen khaladaadka dhacay oo ah in dadku ku laba-jeer noqdaan iyo khaladaad guud oo Diiwaangelinta khusaysa. “Server-ka waxa ku jira ilaa Milyan iyo Lix boqol oo Qof oo isku jira, una baahan in la kala saaro oo la shaandheeyo..Heshiiskeenan waxa kow ka ah shaqada sida loo qabanayo, habka loo marayo iyo in ay inoo bilaabanto. Waxay ku bilaabmaysaa, waad ogtihiin oo hawshii (Diiwaangelintu) waxay dhammaatay maalin muddo laga joogo, laakiin waxa halkan soo gaadhsiiyey ee loo fadhiyaa waa in Xisbiyadii Qaranku ay heshiis midaysan ka yeeshaan oo ka aynu maanta (shalay) u fadhino ah. Halkaas ayaa kow inoo ah inaynu hore uga socono, wixii kale ee halkaa dhaafa waa Jadwalkii, sidii bahalkani ku dhammaan lahaa iyo sidii Dooorashadii iyo hawlihii ku xigay oo aan hawl-yarayn loo geli lahaa. ….. Markaad idinku (Axsaabta) heshiisaan, ayaanu Anaguna wax ka qaban karnaa..wixii intaa dhaafsiinani waa in Doorasho iyo kharashkii lagu qaban lahaa la, waxaas oo dhan-na waad ogaydeen oo Ilaa maalintii aanu hawshan bilownay waad ogaydeen inta goor ee wuxu dib u dhaceen oo dan uun baa dib u ridaysay, tan maanta socota oo kale ayuun bay ahayd oo Lacag aanad haynin iyo wax aan Gacantayada ku jirin markaanu ku ballan-qaadno waad dareemaysaan.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Komishanku waxaana uu soo jeediyay in labada maalmood ee soo socda uu hawl-galo Server-ku iyo in  Xisbiyadu khuburo aqoon u leh hawsha oo la hawl-gala Komishanka ay dirsadaan.

Markaa ka dib waxa nuxurka Heshiiska oo  ah go’aan uu Komishanka Doorashooyinku kaga hadlayay Server-ka,

Akhriyay Xasan Maxamed (Looshade) oo akhriyay Lifaaqa Heshiiska la saxeexay. Waxana uu u dhignaa oo uu yidhi. “Komishanka Doorashooyinka Qaranku isaga oo raacaya Xeerka Doorashooyinka ee Lr. 20/2001 iyo Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha 37/2007 iyo lifaaqiisa wax-ka-bedel iyo kaabis ee qeexaya awoodaha sharci ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Ka dib markii uu arkay hawsha baaxadda weyn leh ee dhammaystirka hawsha Server-ka ee kala saaridda wixii ku noq-noqod ah ama khaladaad dhacay, taas oo saamaysay dalka oo dhan, loona baahan yahay in laga saaro waxa khaldan oo dhan, si Diiwaangelinta Somaliland u noqoto mid xalaal ah oo waafaqsan Nidaamka Caalamiga ah. Haddaba, Komishanka Doorashooyinka Qaranku iyaga oo maanka ku haya in arrinta Server-ku saamayn ku leedahay hawlaha Doorashada, ayay shirar joogto ah, doodo iyo falanqayn socday labada maalmood ee ina dhaafay ay go’aan xubnuhu u dhan yihiin ku gaadheen qoddobada hoos ku qoran;

1-In Server-ka la hawgeliyo oo lagu bilaabo AFIS (Nidaamka baadhidda iyo kala saaridda Faraha la sawiray), in la mariyo xogaha kaydka ee sawirada Faraha, si looga saaro dadka labada goor ama in ka badan is-diiwaangeliyay, loona reebo qofkiiba Hal Kaadh Jinsiyadeed iyo Hal Kaadh cod-bixineed.

2-In xogaha dadka la diiwaangeliyey ee aan Sawirka Farta laga qaadin, waxa la marinayaa Nidaamka aqoonsiga Wejiga (FRS), si looga saaro qofka laba goor ama in ka badan is-diiwaangeliyay, iyada oo Qofka loo reebayo Hal Kaadh Jinsiyadeed iyo hal Kaadh codayneed.

3-Si loo sugo in aanay jirin dad laba jeer ama in ka badan is-diiwaangeliyay, waxa mar kale la marinayaa Nidaamka Baadhista Wejiga.

4-Dadka ka soo hadha labadaas tallaabo ee uu Qalabku akhriyi kari waayo xogaha Sawirka Wejiga, waxba kama jiraan Kaadhadhka ay qaateen. Muwaadinkii Sawirka markuu dhaafi waayay, lana mariyay nidaamkii Xeerku qeexayay waxa loo tixgelinayaa Warbixintii laga qoray.

5-Wixii aan gaadhin 16-jir maalinta codaynta ee is-diiwaangeliyay, waxa go’aan ka gaadhaya guddoomiyaha goobta Doorashada iyo goob-joogayaasha Axsaabta Qaranka. Arrintaas wacyigelin badan ayaa laga samaynaaa inta aanay Doorashadu dhicin.

6-Dadka haysta Kaadhadhka Diiwaangelinta ee la baabi’iyay waa inay ku soo celiyaan Komishanka Doorashooyinka, qofka soo celin waaya waxa laga qaadayaa tallaabo Sharciga waafaqsan.

7-In Xisbiyada Qaranku iyaga oo tixgelin siinaya muhiimadda arrintani leedahay, waa in ay Heshiis la saxeexdaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ah ka aad haystaan ugu dambayn 10-ka bisha oo maanta (shalay) ah, si loo bilaabo hawsha Server-ka.”

Intaa ka dib waxa loo guda-galay hawsha loo tagay Xarunta Komishanka oo ay goob joog ka ahaayeen dhamaan dhinacyada ay khusaysaa.. waxana markaa ka maagay inuu saxeexo Xisbiga talada haya ee UDUB. “Suurtogal ma tahay in aad waqti na siisaan oo iyada oo aanay taariikhdu dib u dhicin, isla maanta (shalay) gelinka dambe ilaa 4:00 galabnimo iyada oo aan buuq jirin Xisbi walba uu Xoghayaha guud iyo laba qof ka yimaaddo, si loo soo akhriyo oo laga soo baaraan-dego waxa meesha ku qoran.” Sidaa waxa ku dooday xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac, hase ahaatee, hadalkaas waxa ka biyo diiday Xisbiyada Mucaaradka ah. “Ninkii isagu wax soo hubsanayaa xaq buu u leeyahay, laakiin Anagu (Kulmiye) waxaan u malaynayaa in UCID-na nala qabtee, sidaas ayuun baanu ku saxeexaynaa.” Sidaa waxa isaga oo daba jooga dhawaaqa Xoghayaha UDUB kaga dhawaaqay Madasha Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Waa sii socotay doodu waxana soo galay oo hadalka Qaatay Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi)oo ka mid ahaa masuuliyiinta matalayay Xisbiga UDUB. “Waxaan u malaynaa in labada Xisbi ee kale aad hore u siiseen oo ay soo akhristeen, sidaas ayay ugu dhiiran yihiin in ay saxeexaan. Laakiin, Anagu waa markii ugu horaysay ee aanu helno Lifaaqan, cadaalad-na maaha taasi. waxa aanaan ka soo baaraan-degin oo aananu akhriyin, haddii iyaga las iiyay oo ay iyagu saxeexayaan waa halkooda, balse waa in laba saacadood ilaa saddex saacadood nala siiyo oo aanu ka soo baaraan-degno weeye,.”ayuu yidhi Cismaan

Murankan kooban markii uu dhexmaray Axsaabta ayaa waxa soo galay Gudoomiyaha Komishanka Jaamac Iswiden oo sheegay in arrintu tahay Go’aan islamarkaana u marag furay Mucaaradka. “Warqad go’aan Komishan ah ayaanu u qaybinay Saddexda Xisbi oo ah kii lagu dhaqayay meesha, haddii go’aanka Komishanku aanu soconayn wixii laydiin qabanayay waxa galaya Mugdi. Waxa weeye, qodobadan waanu qaybinay, waxaana imika Heshiiskan laga shaqaynayay muddo laba toddobaad ah. halkan maanta (shalay) waxaynu u joognaa inaga oo meel u wada jeedna in hawshii Server-ku bilaabanto. Qoraalkan aanu idin siinay masiir umadeed baa ku xidhan oo qoraalka aanu idiin akhrinay ayaa gundhig u ah, Warqaddaasna Axsaabtu si siman bay u heleen.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Komishanku.

Mar kale waxa ku soo noqday oo qaatay hadalka  Xoghayaha guud ee UDUB.  “Anagu waxba ugama jeedno ee haddii aad wax saxeexayso in aad ka baaraan-degto oo aad xaraf-xaraf u akhrido ayaa qurux badan, balse haddii halkaa wax ka soo baxeen, waxay noqonaysaa ku dhufo uun Saxeexa.” Ayuu yidhi.

Xog-hayaha guud ee Xisbiga UCID ayaa sidoo kale muujiyay sida loogu baahanyahay in la fuliyo hawsha si ay hore arrimuhu ugu kala socdaa. “Maalintii hore ee aynu korodhsiimaha ka qaybgalaynay ee muddada la kordhinayay maalin adag bay ahayd, maantana maalintii ayuun bay ka kaabaysaa oo ay daba taagan tahay. Arrinta diiwaangelinta waxaynu u galnay in aynu helno cod xalaal ah oo saafi ah in lagu kala badiyo oo lagu kala helo, dad baa inaga caawiyay oo Lacag badan inaga siiyay oo 20-Milyan oo Dollar lacag ku dhaw ayaa lagu bixiyay, in ay bilaash ku lunto oo hawshii Qaranka, Dadka iyo cid walba gashay waa arrin aan fiicnayn..arrintani bilow bay inagu tahay, khaladaad badan baa ka dhacay, khaladaadka dhacayna cid waliba qayb bay ku leedahay. Waxse aynu isku dayaynaa in aynu saxno. Ha loo guntado oo Komishanku ha u diyaar-garoobaan hawsha bilowgeedii.” Ayuu yidhi Xoghayaha UCID talaata Codleh.

Cabdi Yuusuf Ducaale Boobe oo u hadlay  Akademiga nabada ayaa u soo jeediyay Axsaabta waxana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi, “Waxaanu Masuuliyiinta Axsaabta ka codsaynayaa in aanay markay halkan (Shirarka noocaas) ah imanayaan aanay la iman dan Xisbi ee ay iyaga oo Islaamaha wadhatada ah, dadka Yurub Barafka jooga iyo dadkaa faraha badan ee iska soc-socda ee Xamaalanaya ay aayahoodii gacanta ku hayaan, nin walba marka uu Qalinka qaadayo ee uu halkan soo galayo dareensanaadaa..horta saddexda Xisbi waxa laga rabaa in Garoonka aad ku ciyaaraysaan in qodaxda ka gurataan.”

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland