4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 12, 2009
Cabsi aad u weyn oo soo food saartay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan Koofur Afrika

Khamiis, February 12, 2009(HOL): Kadib markii ganacsatadada yar-yar ee Wadankan u dhalatay ay cadaadis kala kulmeen shruuc ay dowladda kusoo rogtay oo ah in ay shatiyo u sameystaan goobaha ay ku ganacsadaan khaasatan goobaha lagu iibiyo qamriga oo dowladdu ay ku soo rogtay in goobahaasi la xiro haddii aysan laheyn waraaqo ogolaasho ah oo dowladda ka socda.
 
Taas ayaa sababtay in caradii ay dowladda u qabeen ay kaa dul dhaceen ganacsatada Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ajnabiga ah oo ay ku eedeeyeen in dowladdu aanay wax cadaadis ah saarin ganacsigooda.
Goobaha ay cabsida weyni ka taagan tahay ayaa waxa ka mid ah tuulooyinka iyo xaafadaha ku xeeran magaalada Cape Town.
 
Mar aan qadka taleefanka kula xiriiray ganacsade Soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo Ismaaciil Maxamed ( Jawiil ) oo dagan xaafadda DUNNUN ee ku taala duleedka magaalada Cape Town ayaa waxa uu HOL u sheegay in ay cabsi weyn qabaan xaaladduna  ay aad u kacsantahay, ganasatada badankooduna ay halkaasi ka rarteen alaabahoodii u yaalay dukaamada iyo xaafadihii ay daganaayeen inta hartayna ay iyaguna isku diyaarinayaan sidii ay u guuri  lahaayeensaacadaha soo socda.
 
Ciidamada booliska Koofur Afrika ayaa ilaalinaya ammaankooda inta ay ka guurayaan halkaasi waayo boolisku sida ay u sheegeen dadka halkaasi ka qaxaya waa ay ku adag tahay in ay hor istaagaan haddii dadka deegaanku ay bilaabaan in ay wax boobaan.
 
Haddaba waxaa xiisadda sii kiciyay milkiilayaasha iyo darawaliinta gaadiidka dadweynaha oo shaqo ka fariisi ku jira taasoo sababtay in dadkii magaalooyinka waa weyn u shaqo tegi lahaa ay waayeen gaadiid ay isticmaalaan oo ay wadooyinka xaafadaha koox-koox u socdaan iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah dadka ajnabiga ah.

Sidii horayba u dhacday sanaddii aynu soo dhaafnay  kumanaan goobood oo ganacsi iyo guryo isugu jira oo  ay shisheeye  leeyihiin  ayaa cagta la mariyay iyadoo ay xusid mudan tahay in la dilay oo naftooda la dhaafiyay 70 ruux.
 
Sanadkan 2009ka dilka Soomaalida loogu geystay dalka Koofur Afrika  waxaa uu gaarayaa ilaa 7 ruux oo saddex ka mid ah lagu dilay xaafado ka tirsan magaalda Cape Town, waxaana ugu dambeeyay dilkii 4 maalmood kahor loo geystay alle ha’u naxariistee marxuun Axmed AbuukarXuseen oo lagu dhex toogtay dukaankiisa oo ku yaalay xaafada DELAFT oo ku taala duleedka magaalada Cape Town.

Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa