4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 28, 2009
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Beledweyne oo gacanta ku dhigay hub iyo waxyaabo qarxa

Jimco, August 28, 2009(HOL): Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku sugan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay gacanta ku dhigeen waxyaabo qarxa, kaddib markii ay baaritaan ku sameeyeen guri ku yaalla Magaalada Beledweyne.

Guriga ay baareen Ciidamada Dowladda ayaa waxay ka soo heleen waxyaabo qarxa oo gurigaas lagu sanceynayay, bamboo gacmeedyo iyo hub fudud. Saraakiisha Ammaanka Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in gurigaas uu ahaa mid ah kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay ku farsameynayeen waxyaabo qarxa.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa waxay baaritaan ku hayaan kooxihii farsameynayay qaraxyadaas, inkastoo markii ay guriga geleen aysan ku arkin dadkii waxyaabaha qarxa farsameynayay.

Habeenno aanu ka soo gudubnay oo aan dheereyn ayaa gudaha magaalada Beledweyne waxaa ka dhacay qaraxyo loo geystay guri uu magaalada Beledweyne ka degan yahay Guddoomiyihii hore ee Degmada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) iyo Xarunta Saldhigga Booliska ee magaalada.

Howlgalka ay Ciidamada Dowladda ku soo qabteen waxyaabaha qarxa ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo xalay uu magaalada Beledweyne dib ugu laabtay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]