4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 28, 2009
Taliska Booliska Soomaaliya oo mamnuucay in Askari aan shaqo ku jirin uu hub ku heysto Waddooyinka Muqdisho

Jimco, August 28, 2009(HOL): Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa mamnuucay in Askari aan shaqo ku jirin uu hub ku heysto waddooyinka Muqdisho, iyadoo askarigii ammarkaas mamnuucidda ah u hoggaansami waayana uu talisku sheegay in loo aqoonsanayo in uu yahay mid falal amni darro ah iyo dhac ku lug leh.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed G/lle Dhexe C/llaahi Xasan Bariise oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ammarka uu soo saaray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu yahay mid lagu adkeynayo ammaanka magaalada Muqdisho.

“Waxaan rabnaa in ay dibadda u soo baxaan oo la arko ciidamada Dowladda ee la sheego in ay dadka dhac iyo gacmo-gacmeysi ay u geystaan”ayuu yiri G/lle Dhexe C/llaahi Xasan Bariise oo sheegay in ay soo gaareen cabashooyin ka imaanayay dadka Muqdisho qaarkood, kuwaasi oo ku saabsanaa in ay dhac u geysteen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya.

Ammarkan ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmo ka hor ay Isgoyska KM4 isku rasaaseeyeen Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya oo u xil saaran sugidda ammaanka Muqdisho iyo Ciidamo kale oo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo ku sugnaa isla Isgoyskaas.

Is-rasaaseynta labada Ciidan dhexmartay waxaa ay sababtay dhimashada in ka badan 5 ruux iyo dhaawaca tiro kale oo intaas ka badan, kuwaasi oo isugu jiray dad rayid ah iyo Ciidamadii is-rasaaseynta dhexmartay.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay gacanta ku heysaa degmooyin yar oo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxayna si buuxda uga talisaa Degmooyinka Shangaani, Xamarweyne, Xamar Jajab, Waaberi, Wadajir iyo Dharkeenley, halka ay jiraan kuwo gacan ku heyntooda lagala wareegay iyo kuwo ay gacan ku heyntooda u dhaxeyso Dowladda iyo Kooxaha ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya