3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 28, 2009
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku laabtay Beledweyne
Jimco, 28, Aug, 2009 (HOL) Guddoomiyaha Maamulka Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa habeenimadii xalay gaaray Magaalada Beledweyne kaddib markii uu safar dhulka ah uu kaga soo amba baxay Magaalada Gaalkacyo ee Goballka Mudug oo ay ku dajisay diyaarad uu Guddoomiyuhu ka soo raacay Magaalada Muqdisho.
 
Saacado ka hor inta uusan Guddoomiyuhu soo gaarin Magaalada Beledweyne waxaa is weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada oo lagu arkayay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo dadka ku amraya in ay banneeyaan hareeraha wadada, halka qaar kale oo ka mid ah Ciidamada Dowladda ay ka soo galbiyeen Guddoomiyaha deegaanka Kala-beyr ilaa uu ka soo gaaro gurigiisa Magaalada Beledweyne.
 
Lama sheegin cid kale oo la socota Guddoomiyaha oo maalmihii ugu danbeeyay la hadal hayay in uu la imaan doono Wasiirka Cusub ee Amnniga Qaranka C/llaahi Max'ed Cali (Sanbaloolshe)
 
Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa bilihii ugu danbeeyay Safar shaqo waxaa uu ku joogay Magaalada Muqdisho halkaa oo ay isku arkeen Mas'uuliyiinta Sar Sare ee Dowladda Soomaaliya.
 
Laakiin Su'aasha meesha ku jirta ayaa ah maxeey soo kordhin kartaa Imaashiyaha Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow" oo ku soo beegantay xili maalmihii ugu dambeeyay Ciidamada Dowladdu muujinayeen Cabasho la xiriirta Mushaar la'aan soo food saartay, iyo xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku haya qeyb ka mid ah Magaalada isla markaana amaan darradu tahay mid gaartay heerkeedii ugu sarreeyay.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Beledweyne ayaa waqtigan la oran karaa waxaa ku wada sugan inta badan Saraakiishii Dowladda oo maalmihii ugu danbeeyay lalahaa kulamo u badan wada tashi la xiriira sidii gacanta Dowladda loogu soo celin lahaa dhamaan Goballka Hiiraan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
8/28/2009 9:59 AM EST
Jimco, August 28, 2009(HOL): Olole ballaaran oo lagu dayactirayo Dekedda Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa ka furmay halka ay Maraakiibtu ku soo xirato ee marsooyinka Dekeddaasi, waxaana mashruucaan oo ay waddo Shirkad lagu magacaabo Alpha Logistics ay bilowday inay isku duba riddo fulinta howlahaasi.

8/28/2009 7:33 AM EST
Jimco, August 28, 2009(HOL): Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku sugan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay gacanta ku dhigeen waxyaabo qarxa, kaddib markii ay baaritaan ku sameeyeen guri ku yaalla Magaalada Beledweyne.

8/28/2009 7:32 AM EST
Jimco, August 28, 2009(HOL): Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa mamnuucay in Askari aan shaqo ku jirin uu hub ku heysto waddooyinka Muqdisho, iyadoo askarigii ammarkaas mamnuucidda ah u hoggaansami waayana uu talisku sheegay in loo aqoonsanayo in uu yahay mid falal amni darro ah iyo dhac ku lug leh.

8/28/2009 3:59 AM EST
Jimco, August 28, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay booqasho rasmi ah ku marayaan labo waddan oo ka mid ah Khaliijka Carabta.