4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 28, 2009
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku maraya labo Waddan oo ka mid ah dalalka Khaliijka

Jimco, August 28, 2009(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay booqasho rasmi ah ku marayaan labo waddan oo ka mid ah Khaliijka Carabta.

Labada Waddan ee ay madaxweynaha Soomaaliya  iyo Wafdigiisa booqanayaan ayaa waxay kala yihiin Qadar iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna ka helay martiqaad rasmi ah oo ay u fidiyeen.

Waa markii labaad oo uu madaxweynaha Soomaaliya booqdo dalka Qadar tan iyo markii loo doortay madaxweynenimada Soomaaliya, halka Dalka Imaaraadka ay u tahay markii ugu horreysay.

Madaxweynaha ayaa wuxuu horay booqashooyin ugu soo kala bixiyay dalalka Africa, gaar ahaan kuwa ku yaalla Bariga iyo Bartamaha Afrika, inkastoo uu mar booqday Dalka Liibiya oo uu uga qeybgalay shir madaxeedkii  midowga Afrika ee ugu dambeeyay.

Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh axmed ayaa waxaa si weyn u taageera Qaramada Midoobay iyo Dowladaha Reer Galbeedka oo ay ugu weyn tahay Dowladda Mareykanka, iyadoo aaney dowladdu weli helin kaalmadii ay uga baahneyd Dalalka Carabta.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya