Khamiis, September 03, 2009(HOL): Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday gaari marayay nawaaxiga Kelliga Shiinaha oo u dhexeeya Degmada Jowhar iyo deegaanka Buurane, iyagoo halkaas ku dilay hal qof, qof kalena dhaawac culus gaarsiiyay.
Darawalkii kaxeynayay gaarigan ayaa sheegay in rasaasta ay kooxaha burcadda ah ku fureen ay sababtay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca ruux kale, wuxuuna intaas ku daray in aysan jirin dhac ay kooxihii rasaaseeyay u geysteen dadkii safarka ahaa.
Sababta keentay in ay kooxaha burcadda ah gaariga dhici waayaan ayaa waxay dadkii safarka ahaa ku sheegeen in ay ciidamada maamulka Islaamiga ah ee magaalada Jowhar ay u soo gursamdeen gaariga safarka ah, kaddibna ay rasaas isweydaarsadeen kooxihii burcadda ahaa.
In muddo ahba waxaa inta u dhaxeysa Degmooyinka Jowhar iyo Balcad iyo Degmada Jowhar iyo Deegaanka Buurane laga soo sheegayay kooxo burcad ah oo dhac iyo dhibaatooyin kale u geysta dadka safarka ah ee isaga kala goosha Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dhexe.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya