Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo oo iclaamiyay hal goob oo ay dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo Salaadda Ciidda Soonfur ku tukanayaan

Sabti, September 19, 2009(HOL): Maamulk Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in dadka ku dhaqan magaaladaas ay Salaadda Ciidda Soonfur ku tukan doonaan hal meel oo ah Isbartiibo Vecchio.

Afhayeenka maamulkaas Shiikh Xasan Yacquub Cali oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa wuxuu intaas ku daray in guud ahaan masjidyada yar yare e magaaladaas albaabada loo laabi doono dadka oo dhan ay Salaadda Ciidda ku oogi doono Isbartiibadaas.

Shiikh Xasan Yacquub Cali waxaa kale oo uu sheegay in deegaannada uu ka taliyo maamulkooda ay hal maalin wada ciidi doonaan, wuxuuna dadka uga digay in ay tafaraaruq sameeyaan.

Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saacado kaliya ay naga xigto bilashada bisha Soonfur oo bilowgeeda ay ku jiraan maalmo ciid ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya