Khamiis, October 08, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxay shaaca ka qaadday in ay bilaabi doonto howlgallo ay ku sugeyso ammaanka Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya Shiikh C/risaaq Qeylow ayaa sheegay in howlgalladaas ay yihiin kuwo ay Dowladda ku sugeyso ammaanka Dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Shiikh Qeylow waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay howlgalladaas hakisay intii lagu guda jiray bishii barakeysneyd ee Ramadaan, wuxuuna caddeeyay in haatan ay dowladda qorsheyneyso in ay howlgalladaas dib u bilowdo.
Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ee kala ah Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab uu khilaaf gacan ka hadal gaaray soo kala dhexmaray, isla markaana ay ku dagaallameen deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, kuwaasi oo ay ka mid tahay Magaalada Kismaayo.
Ciidamada Daraawiishta Dowladda Soomaaliya ayaa waxay yihiin ciidamada kaliya ee nidaamsan sida Ciidamo dowladeed, waxayna indhawaalaba ka wadeen magaalada Muqdisho howlgallo amni sugid ah, kuwaasi oo ay xitaa tallaabo looga qaaday ciidamo ka tirsan dowladda oo falal aan wagaansaneyn gacanta kula jiray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya