Talaado, May 26, 2009(HOL): Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar oo ahaa Guddoomiyihii Ururka Xisbul-Islaam ee sida weyn uga soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu xilkii guddoomiyenimada Ururukaas ku wareejiyay Shiikh Xasan Daahir Aweys.
Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar oo munaasabadda xil isku wareejinta ka hadlay ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu xilkii guddoomiyenimada Xisbul-Islaam ku wareejiyo Shiikh Xasan Daahir, iyadoo sida uu yiri aanu jirin wax culeys ah oo ku yimid.
Shiikh Xasan Daahir Aweys oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay caan ku ahaayeen in ay xilalka ku dhegaan, isla markaana ay isku qabqabsadaan, hayeeshee ay iyagu bilaabeen sida uu hadalka u yiri in xilalka la isku wareejiyo.
Ururka Xisbul-Islaam oo ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ku mideysan afar kooxood oo ka soo qeybqaatay dagaalkii labada sano ka socday Dalka Soomaaliya xiligii ay Ciidamada Ethiopian-ka joogeen, kuwaasi oo kala ah Maxkamadaha Islaamka garabka Asmara, Jabhatul-Islaamiya, Mucaskarka Caanoole iyo Mucaskarka Raaskambooni.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, xil isku wareejinta ay sameeyeen Dr. Cumar Iimaan iyo Shiikh Xasan Daahir ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ay magaalada Muqdisho isku hor-fadhiyaan Xoogag u kala daacad ah Xisbul Islaam iyo Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kalena xil isku wareejintan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan uu Afhayeenkii Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu isna xilkii Afhayeennimada Al-Shabaab ku wareejiyay Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) oo hadda ah Afhayeenka cusub ee Al-Shabaab.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya