4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2009
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo isku raacay in Dalka lagu dhaqo Shareecada Islaamka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya-Farxaan Cali Maxamed
Talaado, March 10, 2009(HOL): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa maanta isku raacay in Shareecada Islaamka lagu dhaqo Dalka Soomaaliya.

Shirka ay Golaha Wasiirrada go’aankaas ku gaareen ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke, iyadoo wasiirradii ka qeybgalayna ay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen in shareecada Islaamka lagu xukumo dalka Soomaaliya.

Shirkaas oo saacado badan qaatay ayaa markii uu soo gebageboobay kadib waxaa saxaafadda la hadlay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Farxaan Cali Maxamed, wuxuuna sheegay Farxaan in xubnihii ka soo xaadiray Shirkii Golaha Wasiirrada ay dhamaantood isku raaceen in Shareecada Islaamka lagu dhaqo Soomaaliya.

Go’aanka maanta ka soo baxay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa waxaa loo gudbin doonaa Golaha baarlamaanka Soomaaliya oo 12-ka bishan shirkiisa ugu horreeyay ku yeelan doona Magaalada Muqdisho, iyadoo xiligaas kadibna la rajeynayo in uu Baarlamaanka sidoo kale si aqlabiyad leh u ansixin doono.

Haddii uu Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyo in Shareecada Islaamka Dalka Soomaaliya lagu xukumo waxaa meesha ka bixi doona dood ay qabaan dadka ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo sheega in Dowladda Soomaaliya ay tahay mid aan dooneynin in shareecada Islaamka lagu dhaqo Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia