Axad, 7, Juun, 2009 (HOL): Waxaa magaalada Beledweyne ee Xaruta u ah Goballka Hiiraan gaaray Duqii degmada Beledweyne ee Maamulkii hore Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) oo tan iyo wixii ka danbeeyay markii talada Goballka ay la wareegen kooxaha Islaamiyiinta ku sugnaa degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Duqii hore ee degmada Beledweyne ayaa waxaa ka soo galbiyay deegaanka Kala-beyr Ciidamo isugu jira kuwo ka tiran Maamulka Goballka iyo Ilaaladiisa gaarka ah waxaana uu ku soo dagay Hotelka Magaalada Beledweyne ay ka degan yihiin Wasriika Amniga Qaranka Col. Cumar Xaanshi Aadan, Safiirkii hore ee Dowladda Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo, iyo Guddoomiyihii hore ee Goballka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)
Aadan Garaaso ayaa horay u sheegay inuu dhawaan tagi doono Magaalada Beledweyne si markii uu ula shaqeeyo Maamulka Islaamiga ah ee Goballka ka jira iy waliba Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaana hadal kooban uu siiyay Aadan Garooso HOL uu ku sheegay in uu siweyn ugu faraxsan yahay dib ugu soo laabashada Goballka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne.
Lama oga waxa ka soo bixi doono Mas'uuliyiinta ku wada sugan Hotelka Madiina ee Magaalada Beledweyne oo tan iyo markii ay gaareen Magaalada kulamo hoose la lahaa Odayaasha, Waxgaradka iyo Saraakiisha Ciidamada inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn wax yaabaha ay ka wada hadlayaan dhinacyada ay kulamada la lee yihiin.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa hadal heyntooda ugu badan waxaa ay tahay Su'aalo ay iska weydiinayaan waxa ugu danbeyntii ay la soo shir tagi doonaan Mas'uuliyiinta uu horkacayo Wasiirka Amniga xili qeybo ka mid ah Goballka Gal-gaduud oo daris la ah Goballka Hiiraan ay ka dhacayaan dagaalo ay ku lug lee yihiin kooxaha sida weyn u diidan Dowladda Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Aadan Cabdi Ciise Garaaso oo gaaray Magaalada Beledweyne
More News
- SHIIKH XASAN DAAHIR AWAYS: “Waan caafimaad cabaa, berri ayaan shir jaraa'id qaban doonaa”
- Agaasimihii Idaacadda Shabeelle oo Muqdisho lagu dilay
- Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna Wal-jamaaca oo sheegay in dagaalkii dorraad ka dhacay Deegaanka Wabxo uu ku dhaawacmay Shiikh Xasan Daahir Aweys
- Qarax ka dhacay Isgoyska Nasiibuundo ee Degmada Shibis oo dhimasho iyo dhaawac geystay
- Dhaqdhaqaaq dhinaca Ciidamada ah oo saacadihii aynu soo dhaafnay laga dareemay Magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku dhaw
- Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Elman oo ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho
- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Bay ee Dowladda Soomaaliya oo beeniyay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah soo geliyeen Soomaaliya
- Xukuumadda Somaliland oo xabsiga u taxaabtay dad xalay ka mudaharaaday Biyo-la’aan ku soo wajahday Hargeysa
- Maamulka Islaamiga ah ee J/dhexe oo ka hadlay weerarro la sheegay in lagu soo qaadayo Gobollada bay iyo Bakool