Khamiis, January 08, 2009(HOL): Hooyo Xaliimo C/dulle Cumar waa 85-sano jir ku nool Magaalada Jalalaqsi ee Goballka Hiiraan, waxaana si weyn uga muuqda dhibaato ay la kulantay kadib dhimashada Wiilkeedii Prof. Cabdi Max'ed Sabriye oo lagu dilay sida ay HOL u sheegtay Dalka Canada magaaladiisa Toronto, taariikhda markii ay ahayd 8/8/2007.
Waxaa kale oo ay sheegtay Hooyo Xaliimo C/dulle in wixii ka dambeeyay waqtigaas aheyd mid ku nool cariiri ah oo dhibaato badan, waayo ayay tiri markii hore isaga ayaa gacanta ku heyn jiray Nolasheyda oo idil laakiin hadda ma jirto meel aan u ciirsado.
Waxay ku macneysay sababta ugu weyn oo ay ula soo xiriirtay Warbaahinta in ay tahay mar haddii ay weyday Wiilkeeda in ay hesho wixii hanti ahaa ee uu ka tagay, sidoo kale waxaa ay intaas sii raacisay in ay jeclaan lahayn in ay hesho warbixin buuxda oo ku saabsan halkii ay ku dambeysay baaritaanka Dacwada ku saabsan geerida Wiilkeeda.
"Hadii aan waayay Wiilkeyga waxaan Jeclaan lahaa in aan helo wixii hanti ahaa ee uu ka tagay, waayo intii uu noolaa waxaa uu ii sheegay dhamaan hantidiisa in uu aniga ii hibeeyay sidaa daraadeed waxaa codsanayaa in arintaas xiriir lagala soo sameeyo, maxaa yeelay wixii ka danbeeyay dhimashadiisa ma helin wax akhbaar ah oo warkiisa ku saabsan.
Hooyo Xaliimo marka aad la sheekeysato waxaa ka sawirmaya daruufaha nolaleed ee la soo darsay iyo waliba sida ay u sii xasuusato daryeelkii Wiilkeeda, hase ahaatee waxaa ka muuqda tuhun iyo shaki ay ka qabto sida loo maamulay hantidii uu ka tagay Alle ha u naxariistee Prof. Cabdi Max'ed Sabriye.
Ciddii dooneysa in ay la xiriirto Hooyo Xaliimo Cabdulle Cumar waxay ka kala xiriiri kartaa: Tel. 2521-5827370 ama Fax No. 2525-632001
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
HOOY XALIIMO CABDULLE CUMAR :“Dhimashadii Wiilkeyga kadib ma helin wax akhbaar ah, waxaana uu ii sheegay intii uu noolaa hanti uu heysto in uu aniga igu qoray”
Cabirka Farta
More News
- Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo loo doortay madaxweynaha Puntland
- Puntland oo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen cusub yeelatay
- Xoghayihii guud ee Xisbiga UDUB oo Geeriyooday
- Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in waqtigii la dooran lahaa Madaxweynaha Soomaaliya ay ka harsan tahay 21 maalmood
- Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jibouti oo ka digay in Baarlamaanka Soomaaliya uu doorto Madaxweyne ay yeelato Dowladda Federaalka
- Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo sheegay in ka bixid la’aanta Soomaaliya ee Ciidamada Itoobiya ay ku eedeynayaan Beesha Caalamka
- Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isku rasaaseeyay Degmada Xamar Ja-jab ee Gobolka Banaadir