Maamulka Degmada Xamar-weyne oo sheegay in ammaanka Degmadaas uu ka soo reynayo

Cabirka Farta

Sabti, February 28, 2009(HOL): Maamulka  Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu ka soo reynayo ammaanka degmadaas oo in muddo ah ahaa mid aan hagaagsaneyn.

Guddoomiyaha Degmada Xamar-weyne C/llaahi Sahal Gar-dhuub ayaa sheegay in amni darradaas ay ahayd mid ka imaaneysay dhinaca ciidamo ka tirsanaa Dowladdii TFG-da oo dadka dhac iyo handadaad u g eysan jiray, wuxuuna sheegay in haatan ciidamadaas laga qaaday Degmada.

“Dadka ku nool Degmada Xamar-weyne intii aanan Ciidamadan laga qaadin waxay ku noolaayeen xaalad cabsi iyo wel wel leh, waayo waxaa dul-deganaa oo dhac joogto ah u geysan jiray Ciidamadii TFG-da, haatanse ammaank waa uu ka soo reynayaa, waxayna taas ku suurtagashay in la xareeyay Ciidamadii gudaha degmada ku sugnaa”ayuu yiri C/llaahi Sahal Gar-dhuub.

Dadka ku dhaqan Degmada Xamar-weyne, gaar ahaan kuwa goobaha ganacsi ku heysta degmadaas ayaa marka aad wareysato waxay kuu sheegayaan in uu ka degay culeys ay ku qabeen Ciidamadaas, waxayna haatan si cabsi la’aan ah u wataan howlahooda ganacsiga, iyagoo xitaa haatan habeenkii shaqeeya, halka xiliyadii ay ciidamada dul-joogeen aysan habeenkii furi jirin goobahooda ganacsiga.

Dadka ku dhaqan Degmadaas ayaa waxay sidoo kale sheegayaan in haatan gudaha degmadaas lagu arkayo Ciidamo Boolis ah oo ku sugan Saldhigga Afar Irdood ee Degamda iyo weliba Ciidamo ka tirsanaa Maxkamadaha Islaamka oo haatan ka mid ah Ciidamada Dowladda, kuwaasi oo gudaha degmada ka sameeya howlgallo ay ku raadinayaan wax amni darro ah wada.

“Ciidamadii Maxkamadaha ee hadda ku biiray Dowladda wey noo yimaadaan, waxayna na weydiiyaan in aan la kulnno wax ganacsigeena qal-qali geliya, runtiina waan ku faraxnay howsha amni sugidda ah ee ay Ciidamadaas wadaan”yuu yiri Abuukar Nuur Aweys oo ka mid ah ganacsatada mehradaha ganacsi ku heysta Degmadaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia