Qiimaha lagu raaco Gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo hoos u dhacay

Cabirka Farta

Axad, February 22, 2009(HOL): Waxaa si aad ah hoos ugu dhacay qiimaha lagu raaco Gaadiidlka BL-ka ah ee ka shaqeeya inta u dhaxeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Gaadiidka BL-ka ah ayaa haatan waxaa lagu raacaa lacag u dhaxeysa 5000 Sh. So ilaa 12000 Sh. So ah, halka markii hore lagu raaci jiray lacag ka badan 30,000 Sh. So ah, taasi oo ahayd mid ay dhibaato ku qabteen dadkii Muqdisho ka qaxay ee subaxdii u soo shaqo tegi jiray Muqdisho, galabtiina ku laaban jiray guryahooda oo ku yaala min KM13 ilaa Lafoole.

Haddaba waxaa la is-weydiin karaa maxaa hoos u dhigay qiimaha lagu raaci jiray gaadiidka BL-ka ee ka shaqeeya inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye. Wax kale maaha waxaa la qaaday Isbaaro taallay Ex-Koontarool Afgooye oo Gaadiidka BL-ka ah lacag aad u badan looga qaadi jiray iyo Shidaalkii oo soo raqiisay.

Isabaarada taalay Ex-Koontarool Afgooye ayaa Gaadiidka BL-ka waxaa looga qaadi jiray lacag u dhaxeysa 140,000 SH. So ilaa 150,000 SH. So ah, waxayna taasi keentay in ay darawaliinta qaali ka dhigaan qiimaha lagu raaco gaadiidka BL-ka ah.

Isbaaradaas waxaa qaaday Guddi Ammaanka qaabilsan oo uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxaana haatan Kontaroolkaas ku sugan Ciidamo hoos-taga Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya oo horay uga tirsanaa Maxkamadihii Islaamka.

Darawallada Gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo weliba Dadweynaha Gaadiidkaas raaca ayaa si weyn u soo dhaweeyay isbaarada laga qaaday Ex-Koontarool Afgooye, iyagoo sidoo kalena soo dhaweeyay qiimaha aan badneyd ee lagu raacayo Gaadiidka Dadweynaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia