4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2008
Maxaa ka soo baxay shirkii IGAD iyo Dawladda FKMG ah

iyadoo maanta kulankaasi u dhexeeyey Madaxweynayaasha IGAD iyo dhamaan Hay’adaha Dawladda FKMG ah ee Soomaaliya.

Nairobi, Kenya (HOL) - Kulankan oo ay ka qaybgaleen Madaxweynayaasha, Uganda,Kenya, Somalia,Jabuuti,Madaxweyne ku xigeenka Suudaan,Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ,Xoghayaha arrrimaha Afrika ee dalka Mareykanka, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,Xoghaynta IGAD, dhamaan Xildhibaanada iyo madaxda Dawladda FKG ah iyo  marti sharaf kale ayaa waxaa laga soo saaray 16 qodob oo dhamaan saameyn ku yeelanaya arrimaha Soomaaliya.

Bayaanka ka soo baxay IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in la soo dhaweynayo kulankii Wasiirada Arrimaha Dibeda IGAD la yeesheen Xubnaha Baarlamaanka Dawladda FKG ah, islamarkaasna ay dhagaysteen aragtiyooda, waxaana lagu xusay qoraalka inuu jiro khilaaf u dhexeeya Madaxda Dawladda FKMG ah, kaasoo si weyn u curmyaamiyey hawlihii qabsoomi lahaa, waxaana sidoo kale IGAD sheegtay inay fashilantay Dawladda oo ku guuldaraysatay hawlihii laga sugayey, taasina ay ugu wacan tahay ishaysiga dhexdooda ah.

Waxaa Dawladda FKMG ah ee Soomaliya lagu amray inay dhisaan dawlad midnimo qaran oo leh tayo, waxaana sidoo kale la sheegay inay meel iska dhigaan khilaafka dhex yaal, iyadoo Bayaankan lagu soo dhaweeyey heshiiskii Jabuuti ku gaareen Isbahaysiga Jabuuti iyo Dawladda FKMG ah, islamarkaasna la qabto gudi la socda hirgalinta heshiiskaasi oo ka shaqaynaya dhanka nabadgelyada, waxaana shaaca laga qaaday inay muddo 6 bilood ah lagu soo soo diyaariyo dastuur cusub oo bedeli doona midka haatan jira ee KMG ah.

IGAD ayaa waxay ku ammaantay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya hawlaha ay ka wadaan Soomaaliya, iyadoo la codsaday in taageero buuxda beesha caalamku siiyo ciidamadaas, islamarkaasna la qaban doono shir lacag loogu uruurinayo Soomaaliya, waxaana qoraalka IGAD tilmaamayaa in si gaar ah loola socdo arrimaha Soomaaliya, iyadoo 6 bilood walba fadhi gooni ah IGAD ka yeelan doonto wixii horumar ah ee laga gaaray xaalada dalka Soomaaliya.

Goobtii shirka ayaa waxaa soo xaadiray oo lagu arkay Xubno ka tirsan Isbahaysiga Jabuuti ee dhawaan heshiiska la gaaray Dawladda FKMG ah ee Soomaaliya, iyagoo xiran aqoonsi la mid ah kuwa Xildhibaanada TFGda, mana aysan ka hadlin halkaas, waxaana warar hoose sheegayaan inay u yimaadeen awood qaybsi ku aadan ku biirida Dawladda FKMG ah .

Wararka dheeraadka ah ee aan ka helayno shirkan ayaa waxay tibaaxayaan inay Dawladda FKMG ah dib ugu laaban doonto dalka Soomaaliya, islamarkaasna la filayo inay si dhakhso ah wax uga fulaan go'aamada ka soo baxay IGAD ee ku aadan inay boorka iska jafaan TFGdu.
 
Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo
Hiiraan Online
Nairobi, Kenya