9/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2008
Madax ka socota IGAD iyo Beesha Caalamka oo u qudbeeyay Madaxda iyo Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Shirkaas ka qeybgalay


Arbaco, October 29, 2008(HOL): Waxaa maanta  duhurnimadii ka furmay laguna soo gebagebeeyay Xarunta KICC ee Magaalada Nairobi shirkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda IGAD.

Shirka oo ay fadhiyeen Madax ka socotay Urur Goboleedka IGAD, marka laga reebo Dowladda Eritrea oo iyadu horay u shaacisay in ay IGAD ka baxday ayaa waxaa furay Madaxweynaha Dowladda Kenya Mwai Kibaki oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay wax qabad la’aan kadibna ugu baaqay in ay la timaado mas’uuliyad ay ku badbaadinayaan dadkeeda iyo dalkeeda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Baarlamaanka.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Kenya in Soomaaliya ay ku jirto xaalad khatar ah oo dhinac walba leh, sidaas darteedna loo baahan yahay in xal loo helo mushkiladaha ka jira Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in Beesha Caalamka aysan Soomaaliya siinin taageeradii laga filayay.

Sidoo kalena waxaa uu sheegay in Ciidamo laga filayay Midowga Afrika oo 8000 gaarayay aaney dalalka Afrika geynin Soomaaliya, wuxuuna xusay in haatan ay kaliya Soomaaliya joogaan ilaa 3000 iyo dhowr boqol oo ka socda Uganda iyo Burundi, kuwaasi oo aan ku filneyn sugidda Ammaanka Soomaaliya, wuxuuna dowladihii horay u ballanqaaday ciidamada uu ugu baaqay in ay ciidamo geeyaan Soomaaliya.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa isna ka hadlay madasha shirka wuxuuna guud-maray xaaladda ay haatan ku sugan tahay Soomaaliya, kadibna wuxuu ku baaqay in la taageero heshiiskii Jibouti ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, kaasi oo uu sheegay in IGAD iyo Beesha Caalamka looga fadhiyo in ay meel-mariyaan.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa isna ka hadlay shirka, wuxuuna sheegay in ay isugu yimaadeen madaxda IGAD in ay dib u eegaan xaaladda Dalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,wuxuuna caddeeyay in Dowladda Soomaaliya aysan qaban waxyaabihii looga fadhiyay inay qabato.

Waxaa uu xusay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax ka qaban weysay cuuryaannimo siyaasadeed, taasi oo uu sheegay in ay ka dhalatay is-qabqabsi iyo khilaafaad soo kala dhexgalay madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Meles Zenawi oo horay u dhaliilay Siyaasadda Hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu madasha shirka IGAD iyo TFG-da ka sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu tilmaami karo mid ku guuleysan weysay wixii loo dhisay, wuxuuna ku baaqay in la isku howlo sidii qaab kale loogu yeeri lahaa Siyaasadda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen oo ah shir Guddoomiyaha Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD ayaa isna hadal kooban jeediyay, wuxuuna sida Ra’iisal Wasaarihiisa Meles Zenawi uu sheegay in mushkiladda Soomaaliya ay tahay cuuryaannimo siyaasadeed oo ku timid hoggaanka dalka, wuxuuna soo jeediyay in loo baahan yahay in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya oo aan indhaha laga eegan, wuxuuse ka meermeeray in uu ku dhawaaqo in loo baahan yahay in wax ka bedel lagu sameeyo Siyaasadda Soomaaliya.

Shirka ayaa gunaanadkiisii waxaa laga soo saaray qodobo ay ka mid ahaayeen in 10-ka ilaa 25-ka Bisha November 2008  ay guddiyada Ammaanka Dowladda Federaalka Iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ee heshiiska gaaray ay ka shaqeeyaan sidii ammaanka dalka wax looga bedeli lahaa, in 6 bilood gudahood lagu sameeyo Axdi uu yeesho dalka, in mudadaas 6da bilood 2 bilood oo kasta warbixin la siiyo Madaxda IGAD, in 15 cisho gudahood lagu sameeyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo in Beesha Caalamka ay bixiso dhaqaalaha ku baxaya geedi-socodka xasilinta Soomaaliya.

Ilaa iyo haatan laguma dhawaaqin in Baalamaanka Federaalka Soomaaliya uu Nairobi baaqi ku sii ahaanayo iyo in dib loogu celiyo Magaalooyinkii laga keenay ee Muqdisho iyo Baydhabo.












Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia