3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2008
Qaraxyo is-miidaamin ah oo lala eegtay labo xarumood oo ay leeyihiin Ciidamada Sir-doonka Puntland
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Labo Qarax oo aad u xoog badan ayaa goor dhaweyd  lala beegsaday labo xarumood oo ku yaala magaalada Boosaaso, kuwasi oo ay leeyihiin Ciidamada Sirdoonka Puntland, kuwaasi oo loo  yaqaana PISta.
 
Labadaan Qarax ayaa kala dambeeyay muddo daqiiqado ah, waxaana la aaaminsan yahay in ay geysteen dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aaney jirin warar rasmi ah oo aan ka helnay khasaaraha qaraxyadaas.
 
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo tirada dhimasho ee qaraxyadaan is-xigay ay gaysteen, inkastoo dhaawac ahaan isbitaalka Puntland loo dhigay 8 ka tirsan askarta PISta.
 
Lama garanayo cidda sida rasmiga ah uga dambaysa labadaan qarax, mana jiraan cid ilaa iyo hadda loo qabtay labadaasi Qarax, waxaana xusid mudan in uu geeriyooday darawal kaxeynayay gaari waxyaabaha qaraxa dhaliyay laga soo buuxiyay
 
Waxaa labadaan qarax geystay labo gaari oo nooca TOYOTA Surf ah, kuwaasi oo laga soo buuxshay Walxaha Qarxa, iyadoo hal mar laga dareemay labada qarax magaalada Boosaaso.
 
Dhamaan waxaa loo adkeeyay amniga goobaha ay ka dhaceen labadaan qarax ,iyadoo dhammaan hakad ay galeen isku socod Gaadiidka iyo Dadwaynaha magaalada Boosaaso. Wixii ku soo kordha Qaraxyadana kala soco halkan.
 
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia











Click here
10/29/2008 9:20 PM EST
Kulankan oo ay ka qaybgaleen Madaxweynayaasha, Uganda,Kenya, Somalia,Jabuuti,Madaxweyne ku xigeenka Suudaan,Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ,Xoghayaha arrrimaha Afrika ee dalka Mareykanka, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,Xoghaynta IGAD, dhamaan Xildhibaanada iyo madaxda Dawladda FKG ah iyo marti sharaf kale ayaa waxaa laga soo saaray 16 qodob oo dhamaan saameyn ku yeelanaya arrimaha Soomaaliya.

10/29/2008 9:52 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Inta la xaqiijiyay 19 ruux ayaa geeriyootay 28 ruux kale oo dhaawac kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii seddex qarax lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada Somaliland, Safaaradda Itoobiya iyo Xarunta UNDP ee Hargeysa.

10/29/2008 9:50 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Jen. Cadde) oo maanta ka hadlayay qaraxyo is-miidaamin ah oo lala eegtay labo xarumood oo ay Ciidamada Sir-doonka Puntland ku leeyihiin Magaalada Boosaaso ayaa ugu baaqay Maamulka Somaliland in ay amniga iska kaashadaan.

10/29/2008 9:15 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Waxaa maanta duhurnimadii ka furmay laguna soo gebagebeeyay Xarunta KICC ee Magaalada Nairobi shirkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda IGAD.

10/29/2008 5:11 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Xarunta u ah Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxay sheegayaan in ay seddex goobood oo magaaladaas ku yaala qaraxyo lala beegsaday.

10/29/2008 3:41 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay uu shir uga furmay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Kenyatta (KICC) ee magaalada Nairobi ayaa waxay halkaas la tageen buuqii iyo iska dhinac hadalkii ay ku hayeen Xaruntooda KMG ah ee Magaalada Baydhabo.

10/29/2008 3:40 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ahaa Mudanayaashii shalay loo xulay in ay la hadlayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan meesha ay ku dambeyso dowladdii ay IGAD afar sano ka hor u soo dhistay Soomaaliya.

10/29/2008 3:37 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL):Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Xarunta u ah Gobolka Shabelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in xaaladda Magaaladaas ay sideedii ku soo noqoneyso, isla markaana uu dib tartartiib ugu bilaabanayo dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga.

10/29/2008 3:35 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Hay'adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay abaalmarinayso warfiyeenno Soomaaliyeed oo ka kala tirsan waaxyaha warbaahinta, Qorayaasha, Warfidiyeenka Idaacadaha ee ka hawlgala Gobollada Bartamaha/Koofurta Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland.

10/29/2008 3:33 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Mas’uulka ugu sareeya ee Maxjarka Cumar Ismaaciil Waabari ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wariyayaasha waxaana uu si faah faahsan uga hadlay qorshayaasha Maxjarka iyo sababaha keenay in dhidibada loo taago. Mr Cumar ayaa sheegay inay taasi sababtay baahida xooga badan ee loo qabo Goob lagu Daaweeyo Xoolaha Puntland si ay u noqdaan Kuwa Caalamka oo dhan ka Gadma.