3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2008
IGAD oo ka yaabtay qaab-dhaqanka Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya

Arbaco, October 29, 2008(HOL): Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay uu shir uga furmay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Kenyatta (KICC) ee magaalada Nairobi ayaa waxay halkaas la tageen buuqii iyo iska dhinac hadalkii ay ku hayeen Xaruntooda KMG ah ee Magaalada Baydhabo.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo shir la lahaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ayaa waxay  ku guuleysan waayeen in ay isku raacaan shan xubnood oo uu Guddoomiyaha Baalramaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) u dooray in ay Xildhibaannada Baarlamaanka u hadlaan bacdamaa aaney suurtagal wada ahayn in la dhegeysto dhamaan xildhibaannada baarlamaanka.

Shantaas Xildhibaan oo seddex ka mid ah oo hadlay ay ahaayeen Maxamed Aadan Cali, Mowliid Macaani Maxamuud iyo Cali C/llaahi Cosoble ayaa waxaa intii ay hadlayeen qudbooyinkooda hareeyay buuq ka imaanayay Xildhibaano kale oo qaarkood ku doodayay in aaney Xubnaha hadlaya soo xulan, halka kuwo kale oo haween ahaana ay sheegayeen in shanta xubnood ee la soo xulay ay dhamaantood rag yihiin, sidaas darteedna ay taas u arkayaan mid lagu qarinayo doorka ka hadalka xaaladda dalka Soomaaliya ee haweenka.

Xildhibaannada dooddaas qabay ee haweenka ah ayaa waxaa ka mid ahaa Caasho Axmed Cabdalla, Sareedo Maxamed Cabdalla iyo Khadiijo Maxamed Diiriye, kuwaasi oo sheegay in xubnaha shanta ah ee uu Guddoomiyaha Baarlamaanka soo xulay ay yihiin kuwo fikirkooda ka hadlaya oo aan baarlamaanka wakiil ka ahayn..

Shanta xubnood ee loo xil saaray in ay u hadlaan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa seddexda hadashay waxay sheegeen in wax qabad la’aanta ku timid dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka timid hoggaanka dowladda, waxayna qaarkood si gaar ah farta ugu fiiqeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sida ay yiraahdeen hareer maray sharciga u degsan Dalka.

Markii ay Xildhibaanada isku buuqeen oo ay isu ogolaan waayeen in ay is-dhegeystaan ayuu wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen oo ahaa guddoomiyaha shirka waxaa uu u sheegay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya in uusan jirin waqti badan oo lagu dhegeysto dhamaan qudbooyinka Mudanayaasha Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in Xildhibaannada looga baahan yahay in ay is-dhegeystaan, iyadoo Xildhibaannada hadalka loo ogolaadayna ay heystaan kaliya shan daqiiqo.

Waxaa xusid mudan in sababta keentay in ay Xildhibaanada isku buuqaan ay ahayd iyadoo qof kasta oo Baarlamaanka ka tirsan uu awood u lahaa in uu hadlo, bacdamaa kursi walba hortiisa  uu cod baahiye ku dheganaa. Xildhibaannada ayaa waxay u barteen intii ay Xaruntooda ADC-da Baydhabo joogeen in hal hal loogu yeero oo kadibna ay ku hadlaan Cod baahiye la isu dhiib-dhiibayo.

Saaka ayay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyo IGAD isugu soo noqon doonaan xarunta KICC, inkastoo ay maanta shirka leeyihiin Madaxweynayaasha IGAD oo iyagu qudbooyin u jeedin doona Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee ilaa iyo haatan ma cadda ajendayaasha rasmiga ah ee shirka looga yeeray Dowladda Federaalka Soomaaliya, marka laga reebo in ay mas’uuliyiinta IGAD sheegayaan in shirka looga hadlayo xaaladda Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd siyaasadda, ammaanka, dhaqaalaha iyo bulshada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
10/29/2008 9:20 PM EST
Kulankan oo ay ka qaybgaleen Madaxweynayaasha, Uganda,Kenya, Somalia,Jabuuti,Madaxweyne ku xigeenka Suudaan,Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ,Xoghayaha arrrimaha Afrika ee dalka Mareykanka, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,Xoghaynta IGAD, dhamaan Xildhibaanada iyo madaxda Dawladda FKG ah iyo marti sharaf kale ayaa waxaa laga soo saaray 16 qodob oo dhamaan saameyn ku yeelanaya arrimaha Soomaaliya.

10/29/2008 9:52 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Inta la xaqiijiyay 19 ruux ayaa geeriyootay 28 ruux kale oo dhaawac kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii seddex qarax lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada Somaliland, Safaaradda Itoobiya iyo Xarunta UNDP ee Hargeysa.

10/29/2008 9:50 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Jen. Cadde) oo maanta ka hadlayay qaraxyo is-miidaamin ah oo lala eegtay labo xarumood oo ay Ciidamada Sir-doonka Puntland ku leeyihiin Magaalada Boosaaso ayaa ugu baaqay Maamulka Somaliland in ay amniga iska kaashadaan.

10/29/2008 9:15 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Waxaa maanta duhurnimadii ka furmay laguna soo gebagebeeyay Xarunta KICC ee Magaalada Nairobi shirkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda IGAD.

10/29/2008 5:11 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Xarunta u ah Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxay sheegayaan in ay seddex goobood oo magaaladaas ku yaala qaraxyo lala beegsaday.

10/29/2008 4:41 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Labo Qarax oo aad u xoog badan ayaa goor dhaweyd lala beegsaday labo xarumood oo ku yaala magaalada Boosaaso, kuwasi oo ay leeyihiin Ciidamada Sirdoonka Puntland, kuwaasi oo loo yaqaana PISta.

10/29/2008 3:40 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ahaa Mudanayaashii shalay loo xulay in ay la hadlayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD ayaa wuxuu ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan meesha ay ku dambeyso dowladdii ay IGAD afar sano ka hor u soo dhistay Soomaaliya.

10/29/2008 3:37 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL):Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Xarunta u ah Gobolka Shabelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in xaaladda Magaaladaas ay sideedii ku soo noqoneyso, isla markaana uu dib tartartiib ugu bilaabanayo dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga.

10/29/2008 3:35 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Hay'adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay abaalmarinayso warfiyeenno Soomaaliyeed oo ka kala tirsan waaxyaha warbaahinta, Qorayaasha, Warfidiyeenka Idaacadaha ee ka hawlgala Gobollada Bartamaha/Koofurta Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland.

10/29/2008 3:33 AM EST
Arbaco, October 29, 2008(HOL): Mas’uulka ugu sareeya ee Maxjarka Cumar Ismaaciil Waabari ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wariyayaasha waxaana uu si faah faahsan uga hadlay qorshayaasha Maxjarka iyo sababaha keenay in dhidibada loo taago. Mr Cumar ayaa sheegay inay taasi sababtay baahida xooga badan ee loo qabo Goob lagu Daaweeyo Xoolaha Puntland si ay u noqdaan Kuwa Caalamka oo dhan ka Gadma.