4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2008
Xaaladda Magaalada Marka oo saaka degan kadib dil iyo dhaawac shalay loo geystay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Sh/Hoose

Arbaco, October 29, 2008(HOL):Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Xarunta u ah Gobolka Shabelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in xaaladda Magaaladaas ay sideedii ku soo noqoneyso, isla markaana uu dib tartartiib ugu bilaabanayo dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga.

Dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga ayaa waxay istaageen shalay gelinkii hore kadib markii gudaha Degmadaas lagu dilay Taliye ku xigeenkii Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax, sidoo kalena uu dhaawac halis ah soo gaaray Guddoomiye ku xigeenkii Ammaanka ee Gobolka  Maxamed Maxamuud Cilmi, kaasi oo saaka ku geeriyooday Isbitaalka Amisom ee Magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhaqan Magaalada Marka oo u badan kuwo nabadeed ayaa waxay maalmahan si weyn uga walaacsan yihiin amni darro ku soo korortay Magaalada, waxaana horay degmada uga dhacay dilal iyo qaraxyo lala beegsaday mas’uuliyiin u shaqeynayay hay’ado hoos-taga Qaramada Midoobay.

Magaalada Marka ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya waxaa soo maray maamullo kala duwan oo qaarkood ay ahaayeen kuwo beeleed, halka haatan-na uu si rasmi ahayn uga shaqeeyo maamul ay magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia