4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2008
Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqday inay abaalmarineyso Warfidiyeenno Soomaaliyeed

Arbaco, October 29, 2008(HOL): Hay'adda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay abaalmarinayso warfiyeenno Soomaaliyeed oo ka kala tirsan waaxyaha warbaahinta, Qorayaasha, Warfidiyeenka Idaacadaha ee ka hawlgala Gobollada Bartamaha/Koofurta Soomaaliya,  Puntland iyo Somaliland.

Abalmarintan cusub waxa ujeedadeedu tahay sidii loo dhiirrigelin lahaa  qaababka kala duwan ee wax soo saarka warfaafinta ee ku wejahan dhinacyada horumarinta iyo arrimaha bini'aadannimada ee dalka la soo gudboonaaday.  

Isku-duwaha xarunta hawlgallada Bani'aadminnimada QM, Mark Bowden, ayaa sheegay in QM ay rajeynayso qaban-qaabinta munaasabado abaalmarinno sannadle ah. “Waxan doonaynaa inaan ka qaybqaadanno aqoonsiga guud ahaan kaalinta warfidiyeenka Soomaaliyeed iyo wariyayaasha Idaacadaha ee ku shaqeeya xaaladda adag iyadoo ay weli  caqabado waa weyn hortaagan yihiin maareynta arrimaha horumarka bini’aadminnimada oo u baahan in Ajande midaysan loo sameeyo”.

“Arrintani waxay qayb ka tahay hadafkeenna marxaladda fog ee lagu taageerayo kaalinta muhiimka ee warbaahintu  ka qaadan karto arrimaha horumarinta la xiriira. Qorayaal iyo warfidiyeen faro badan oo Soomaali ah, ayaa  si hufan diiradda u saaraya arrimaha nabadgalyada ku wajahan, iyagoo ka qayb qaadanaya la-hawlgalka bulshada, dib-u-dhiska iyo horumarinta guud ahaan dalka, sidaa aawgeed, waxa naga go’an inaan ku abaalmarinno dadaalkooda” ayuu yiri; Mr. Bowden.

Qiimaha abaalmarrinta shakhsiga ah oo gaaraysaa ila USD 1,000 ayaa la guddoonsiin doonaa lababa heer ee kala ah: daabacaadda iyo idaacadaha, iyadoo QM ay qorshaynayso inay sanadka dambe abaalmarin doonto heerka idaacadaha la-iska arko ee (TV-ga). 

Qoraalladii la daabacay ama barnaamijyadii idaacdaha la laga sii daayey intii u dhaxaysay 1dii August 2007 iyo 30 September 2008, ayaa xaq u yeelan doona inay ka mid noqdaan mawadiicda baahsan ee taabanaya arrimaha: Nabadda & Maamul-wanaaga, iskaashiga la-hawlgalka, Carruurta, Haweenka, Caafimaadka iyo Gurmadka xaaladaha deg-degta ah. 

Waxaana qiimayn doonnaa koox garsoorayaal oo ka kooban xeel-dheerayaal ka tirsan hay’adda QM iyo Warfidiyeen rug-caddaa ah, iyadoo hab-raacyada  qiimaynta abaalmarintaasna lagu saleyn doono xulashada tusmada, samaynta, asalnimmada xogta iyo waxtarka qiimaha uu maduucaasi u leeyahayguud ahan bulshada. 

Fursadaha ku dhawaaqidda abaalmarintaasna waxa loo soo bandhigi doonaa xarumaha warbaahinta Soomaalida, Ururrada warfaafinta,  iyo aqoonyahannada warbaahineed ee madaxa bannaan ee ku sugan  Bartamaha/Koofurta Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland.

Waxaana Xubnaha abaalmarintaas ku guulaystay lagu dhawaaqi doonaa  ka hor dhammaadka sanadkan. 

Waxaana abaal-marintan taageeraya Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee kala ah: FAO, ILO, UNAIDS, UNDP, UNESCO, UNFPA, UNHABITAT, UNHCR, UNICEF, UNIFEM, UNOCHA, UNPOS, WFP, WHO.

UNITED NATIONS
Office of the United Nations Resident & Humanitarian Coordinator for Somalia
   Springette, Off Lower Kabete Road, P.O. Box 28832, 00200, Nairobi, Kenya
Tel. (254 20) 4255000; Fax (254 20) 4255101 Website: www.somalia-un.org