4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2008
Maxjarka Boosaaso oo bilaabaya in uu Dibadda u iib-geeyo Xoolo badan oo caafimaadkooda la hubiyay

Arbaco, October 29, 2008(HOL): Mas’uulka ugu sareeya ee Maxjarka Cumar Ismaaciil Waabari ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wariyayaasha waxaana uu si faah faahsan uga hadlay qorshayaasha Maxjarka iyo sababaha keenay in dhidibada loo taago. Mr Cumar ayaa sheegay inay taasi sababtay baahida xooga badan ee loo qabo Goob lagu Daaweeyo Xoolaha Puntland si ay u noqdaan Kuwa Caalamka oo dhan ka Gadma.
 
Cumar Ismaaciil waxa kale oo uu ka hadaly qaabka loo dhoofiyo xoolaha, isagoo sheegay inay wejiga koowaad u qaadi doonaan Dalalka Saudi Arabia iyo Oman kuwaasi oo uu sheegay in ay heshiisyo la soo galeen.
 
Cumar Ismaaciil ayaa ka hadlay doorka uu Maxjarkani kaga jiro guud ahaan Soomaaliya wuxuuna sheegay in Maxjarka xoolaha looga keeno dhamaan Gobolada Dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay hubinta caafimaadka xoolaha ka gacan siiyaan Dhaqaatiir Carbeed oo aqoon durugsan u leh Xanaanada Xoolaha.
 
Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay ka qeybqaataan sidii loo horumarin lahaa Maxjarka Xoolaha ee Puntland, wuxuuna sheegay in haddii ay arrintaas ka qeybqaataan ay Xoolaha Soomaaliya heli doonaan suuq fiican.

Ugu dambeyntiina,  Maxjarkan ayaa ah mid wayn waxaana markii aan booqanay ku jiray  in ka badan 60 kun Neef, waa sida uu sheegay maamulka Maxjarka oo si weyn ugu howlan horumarinta Maxjarkan oo faa’iido badan u leh Xoolaha Soomaaaliyeed.




C/risaaq Shiikh Adduunyo
[email protected]
Bosaso, Somalia