4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2008
Goobihii ay maanta Dagaallada ka dhaceen ee Wadada Wadnaha oo degan

Khamiis, March 20, 2008(HOL): Waxaa degan goobihii ay maanta dagaallada ka dhaceen ee Suuqa Bakaaraha iyo Wadada Wadnaha, inkastoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas ay ridayaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo dib ugu soo noqday Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Aadan Cadde oo ay ka baxeen intii uu socday Dagaalkii maanta.
 
Dagaalkii maanta oo bilowday kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Isgoyska Howl-Wadaag ay dhac u geysteen Bakhaar ku yaala meel aan u dheereyn Isgoyskaas, kadibna ay kooxo hubeysan weerar ku soo qaadeen.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa wuxuu gaarayaa dhimashada Toban Ruux oo isugu jira Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dad Rayid ah, iyadoo sidoo kalena ay jiraan Dad aan tiradooda 20 Ruux ku dhowdahay oo dagaalka ku dhaawacmay.

Dagaalka maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka socday Suuqa Bakaaraha, kaasi oo soo af-jarmay kadib markii ay qeybo ka mid ah Suuqa ku dhaceen Madaafiic la sheegay in ay soo rideen Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo qaarkood 3 ruux ku dileen qeybta lagu iibiyo Hilib Ariga ee Suuqa Bakaaraha.

Ugu dambeyntiina, Dagaalka maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo Nawaaxigiisa ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay Deegaanka Suuqa Xoolaha uu ka dhacay Dagaal dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo dagaalkaasina uu sababay dhimashada 8 Ruux oo isugu jiray Dad Rayid ah iyo Ciidamadii Itoobiyaanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia