4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2008
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Xamar Jajab oo maanta is-casilay

Khamiis, March 20, 2008(HOL): Waxaa maanta is-casilay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka Degmada Xamar Jajab, kuwaasi oo sheegay in ay go’aan is-casilaadda ah qaateen kadib markii ay la soo derseen culeysyo uga yimid dhinaca ehelladooda, sidoo kalena ay u baqeen ammaankooda.
 
C/llaahi Axmed Calasow (C/llaahi Shiino) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee dhinaca Siyaasadda iyo Ammaanka Degmada Xamar Jajab ayaa sheegay in uusan maanta wixii ka dambeeya ka mid ahayn maamulka degmadaas, isagoo sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo uu ka tirsanayo maamulkii uu la shaqeynayay.

Sidoo kalena, waxaa isna is-casilay Guddoomiyihii Waaxda 1-da May ee Degmada Xamar Jajab C/llaaahi Jimcaale Cusmaan (C/llaahi Oday), kaasi oo isna sheegay in uu is-casilay kadib markii warqado loogu digayo lagu daayay Degmada Xamar Jajab.

Is-casilaadda ay sameeyeen mas’uuliyiintan ka tirsanaa Degmada Xamar Jajab ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo xalay kooxo hubeysan ay dhaawac culus u geysteen Guddoomiyaha Degmadaas Axmed Shiikh Maxamuud (Qoor-Leex), kaasi oo haatan dhaawaciisa lagu daweynayo Isbitaalka Keysaney ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ma ahan Mas’uuliyiintii ugu horeysay oo iska casilay maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana jiray Guddoomiye Waaxeedyo iyo Guddoomiye Laameedyo is-casilay kadib markii ay digniino ka soo gaareen Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia