4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2008
Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland oo Xilkii iska casilay

Khamiis, March 20, 2008(HOL): Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland, Md. Maxamed Aw Yuusuf Axmed ayaa iska Casilay Xilkii Gudoomiyanimada guddida Doorashooyinka.

Inkasta oo Is-casilaadda Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland, lagu sababeeyay arrimo Caafimaad, haddana waxa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in is-casilaaddiisu salka ku hayso khilaafka beryahan soo kala dhexgalay xubnaha Komishanka Doorshooyinka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maalinta sabtida ah ee foodda inagu soo haysa uu Shirjaraa’id qaban doono, kana sheegi doono ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa is-casilaaddiisa. Sidoo kale Warar kale ayaa sheegaya, in iscasilaada guddomiyahu ka danbeysay kadib markii Madaxweyne Rayale ku gacan saydhay, isna hortaagay go’aan ay koomishanka qaranku rabeen inay ku saxaan khaladaad iyo cabashoyin laga muujiyey qaabkii ay u xuleen madaxda koomishanka dorashoyinka ee gobolada galbeedka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, iscasilaadda Guddoomiyaha, ayaa waxay ku soo beegantahay waqti Xisbiyadda mucaaridka ee UCID iyo Kulmiye ay toddobaadkii hore cabashoyin ka muujiyeen habka koomishanka doorashoyinku u maamuleen xulista xubnaha koomishanka ee gobolada galbeedka Somaliland,  iyaga oo ku eedeeyey koomishanka qaranka in ay u hogaansameen amar kaga yimi dhinaca xukuumadda Madaxweyne Rayale, isla markaana baal mareen waxii ay ku heshiiyen sadexda xisbi qaran.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.