4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2008
Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Weerar Bambaabo oo xalay lagu qaaday Shineemo ku taala Degmada Afgooye

Khamiis, 20, Mar, 2008 (HOL): Hal Ruux ayaa geeriyooday Seddex ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Shineemo ay daawanayeen oo ku taala Degmada Afgooye lagu tuuray Bambo Gacmeed.
 
Shineemada Bambo Gacmeedka lagu tuuray oo ku taala Xaafadda Xaawo Taako ee Degmada Afgooye ayaa markii weerarka Bambaabo lagu qaadayay waxaa lagu daawanayay Ciyaar Kubadda Cagta ah.

Seddexda Ruux ee dhaawacantay oo uu ku jiray Milkilihii Shineemada ayaa dhaawacooda wuxuu ahaa mid halis ah, waxaana la dhigay oo lagu daweynayaa Isbitaalka guud ee Degmada Afgooye.

10-kii bishan ayay ahayd markii ay Kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Shineemadan, xiligaas oo uu Shineemada ka socday Filim, iyadoo wixii waqtigaas ka dambeeyayna Shineemada laga joojiyay Aflaantii, kaliyana laga daawanayay Ciyaaraha Isboortiga, gaar ahaan Kubadda Cagta.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shineemooyin tiro badan oo ku yaalay magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay u xiray Milkilayaashii lahaa kadib markii qaarkood weerar lagu qaaday, halka kuwo kalena loo geeyay Warqado loogu sheegayo in ay Shineemada xiraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia