4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2008
Maamul Goboleedka Puntland oo sheegay in uu bilaabayo Baarista Shidaalka ku jira Deegaanada uu ka taliyo

Khamiis, March 20, 2008(HOL): Maamul Goboleedka Puntland ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu bilaabayo baaritaan uu ku sameynayo shidaalka ku jira deegaannada uu ka taliyo.
 
Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Maamulka Puntland Xasan Cusmaan Aloore ayaa sheegay in Shirkado shidaalka baara oo ku sugan Magaalada Garowe ay dhawaan bilaabi doonaan baaris ku saabsan shidaalka ku jira deegaannada Puntland.

Wasiirka waxaa uu sheegay in Wasaaraddiisa ay diyaarineyso nabadgelyada Shaqaalaha Hay’adaha Shidaalka baaraya, sidoo kalena ay ka shaqeyn doonto shuruucda u degsan baarista Shidaalka, wuxuuna caddeeyay in ay howshaas haatan si wanaagsan u socoto.

“Horay ayaa loo baaray meelaha haatan Shidaal qodista laga bilaabayo, dhaawaan ayaana lagu bilaabi doonaa Riigagga lagu qodaya Shidaalka”ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Puntland Xasan Cusmaan Aloore.

Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay arrimaha soo saarista Shidaalka ay kala hadleen Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay Dowladda ka heystaan Qoraal caddeynaya in ay baari karaan oo ay soo saari karaan shidaalka, wuxuuna caddeeyay in marka ay Shidaalka soo saaraan kadib ay wax qeybsiga isaga imaan doonaan.

“Kheyraadka Dhulka ku jira ee Umadda Soomaaliyeed Mudada badan ka baahneyd soo saaristiisa  Soomaali oo dhan ayaa kheyr ugu jiraa waayo wax bey ku leeyihiin, sidaas darteed waxaan aaminsannahay haddii wax soo saar yimaado, shaqana jirto in Dadka Soomaaliyeed ay Nabadgelyada ilaalin doonaan”ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Puntland Xasan Cusmaan Aloore.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia