4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2008
AFHAYEENKA ALSHABAAB: “Waan ku faraxsannahay in uu Mareykanka nagu daro Liiska Argagixisada waayo waxaan diidnay waxa uu isagu rabo”

Arbaco, March 19, 2008(HOL): Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, isla markaana wax laga weydiiyay sida uu u arkayo hadal ka soo yeeray Mareykanka oo ahaa in Ururkooda lagu daray Liiska Argagixisada ayaa wuxuu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin hadalka ka soo yeeray Mareykanka.
 
“Waan ku faraxsannahay in uu Mareykanka nagu daro Liiska Argagixisada waayo waxaan diidnay waxa uu isagu rabo” ayuu yiri Shiikh Mukhtaar oo intaas ku sii daray in Madaxweynaha Mareykanka Bush uu horay u sheegay in ciddii aan isaga la jirin ay ka soo horjeeddo, isla markaana ay argagixisada la jirto.

Shiikh Roobow oo wax laga weydiiyay waxa uu ka leeyahay in Rag uu isaga ka mid yahay oo Ururkooda ku jira ay ku soo tababarteen Dalka Afganistan ayaa wuxuu sheegay in aysan taasi wax micno ah sameynin, isla markaana haddii tababar laga hadlayo ay jiraan Dad badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood lagu soo tababaray Dalalka Ruushka, Ciraaq, Sacuudiga iyo kuwo kale.

“Waa marmarsiyo uu Mareykanka ku doonayo in uu dadka Soomaaliyeed ku dilo mana jiraan dad argagixiso ah oo aan ku heyno Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo carrabka ku dhuftay in markii uu Mareykanka duqeeynayay sanadkii hore Gobolka Jubbada Hoose uu sheegayay in uu daba taagan yahay Dad argagixiso ah, hayeeshee uusan helin dadkii uu sheegayay in uu dartood deegaanadaas u duqeeyay.

“Annagu argagixiso ma nihin ee waxaa argagixiso ah Dadka Gurigeena noogu yimid ee Shacabkeena madaafiicda ku duqeynaya, kuwaasi ayaana hubka u sidanaa oo aan la dagaalameynaa”ayuu mar kale yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Ugu dambeyntiina, Shiikh Mukhtaar Roobow waxaa wax laga weydiiyay sida uu xal ku imaan karo, wuxuuna sheegay in uu xalka ku imaan karo iyadoo ay Ciidamada Shisheeye dalka Soomaaliya ka baxaan xitaa Ciidamada Amisom, isagoo intaas ku daray in ay la dagaalamayaan Ciidamo kasta oo Wadanka yimaada haddii xitaa ay yihiin kuwo Qaramada Midoobay ka socda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia