4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2008
Ciidamada Itoobiya oo lagala wareegay Fariisin ay ku lahaayeen Xeradii Maslax ee Duleedka Suuqa Xoolaha

Arbaco, March 19, 2008(HOL): Kadib dagaal socday muddo saacado ah ayaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Xeradii Maslax ee Duleedka Suuqa Xoolaha waxaa lagala wareegay fariisin ay halkaas ku lahaayeen.
 
Xeradii Maslax oo ay in muddo ah ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa haatan waxaa ku sugan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, iyadoo Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee halkaas ku sugnaana ay ku biireen Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Xarunta Warshaddii  Baastada.

Dagaalkii saaka ka bilowday Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa haatan waxaa lagu soo waramayaa in uu u soo wareegay dhinaca Xaafadda SOS iyo agagaaraha Xaruntii Warshadda Baastada, iyadoo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaas ku suganna ay madaafiic ku duqeynayaan xaafadaha SOS, Waxar Cadde iyo Xaafadaha kale ee u dhow.

Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii maanta ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 6 ruux oo isugu jiray 3 ruux oo Rayid ah iyo 3 Askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiyaanka ee dagaalka kula jiray Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Xerada Maslax ayaa waxay ka mid ahayd fariisimo dhowr ah oo ay Ciidamada Itoobiyaanka degeen wixii ka dambeeyay markii uu soo dhamaaday Dagaalkii ay dadka badan ku dhinteen ee Muqdisho ka dhacay Bilihii Maarso iyo April ee sanadkii aynu ka soo gudubnay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia