4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2008
Dad ka careysan Sicir barar ka taagan Magaalada Muqdisho oo boobay Raashin Ganacsato u rarnaa

Arbaco, March 19, 2008(HOL): Dad ka careysan sicir barar maalmahan ka taagan magaalada Mqudisho ayaa waxay maanta boobeen Raashin u rarnaa Ganacsato Reer Muqdisho ah, kadib markii gaari uu Raashinkaas saarnaa ay Dadkaas ku qamaameen.
 
Falkani lagu boobay Raashinka ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Sanca ee ee kala qeybiya Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir,  iyadoo Gaariga Raashinka raasnaa ee la boobay uu ku soo dhex dhacay dad ka banaanbaxayay Sicir Bararka ka jira magaalada Muqdisho, inkastoo markii dambe ay ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka ay dadkaas kala ceyriyeen.

Sidoo kalena, Dad kale oo iyana Sicir bararka ka banaanbaxayay ayaa waxay boobeen Goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Kaaraan, iyadoo dadkaasi oo dhagaxyo tuurayay ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Ganacsatada oo ay ku sheegayeen in ay yihiin dhiig-miirato ka dambeeya sicir bararka ka taagan magaalada Muqdisho.

Habeenkii xalay ahaa ayaa xaafado dhowr ah oo ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan waxaa ka dhacay Banaanbaxyo ay dhigeen Dad ka careysan Sicir bararka ku yimid Raashinka Quutul daruuriga ah iyo weliba Shidaalka, inkastoo dadkaasi ay si gaar ah uga cabanayeen koronto la’aan la soo deristay kadib markii shidaalka oo qaaliyoobay aawgii loo demiyay Matoorro ay Koronto ka heli jireen.

Waxaa jirto cabsi ku saabsan in uu Suuqyada Muqdisho ka dhaco kacdoon Shacbi oo ka dhan ah Sicir bararka ku yimid Raashinka iyo Shidaalka, kaasi oo la rumeysan yahay in ay ka dambeeyaan Ganacsatada Muqdisho oo qaarkood keydiya Raashinka iyo Shidaalka, isla markaana la soo baxa marka la waayo oo uu qiimahooda sare u kaco.

Shalay ayay ahayd markii Dadweyne aad u faro badan oo ku dhaqan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ay ka banaanbaxeen ganacsato Degmooyinkaas ku dhaqan oo diiday in ay qaataan Lacagta Kunka Shillin Soomaaliga ah ee duugowday, iyagoo sidoo kalena banaanbaxooda uga cabanayay Sicir Bararka ku yimid Raashinka iyo Shidaalka.

Halkan ka aqriso qormo ku saabsan Sicir Bararka ku yimid Raashinka iyo Shidaalka-HOL
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia