4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2008
Diyaarado joog hoose ku duulayay oo lagu arkay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Talaado, March 18, 2008 (HOL): Diyaarado joog hoose ku duulayay ayaa maanta lagu arkay hawada Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo diyaaradahaasina ay si weyn u cabsi geliyeen dadka degmadaas ku dhaqan.
 
Dadka ku dhaqan magaalada Marka ayaa markii ay maqleen dhawaqa diyaaradaha waxay isugu soo baxeen Waddooyinka Magaalada, iyagoo daawanayay diyaaradaha dul heehaabayay.

Diyaaradahan oo aan la ogeyn halka ay ka soo duuleen ayaa waxaa lagu qiyaasay in ay ahaayeen Diyaaradaha wax basaasa ee aaney duuliyayaasha la socon, iyadoo ay dadka Marka is-weydiinayeen sababta keentay in Diyaaradahaas lagu soo kiciyo.

Ma ahan Magaaladii ugu horeysay oo  Magaalo ka tirsan Dalka Soomaaliya oo lagu arko diyaarado ceynkan oo kale ah, waxaana dhowr jeer lagu arkay Deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan Magaalooyinka Xeebaha u dhow, dhawaan ayayna ahayd markii diyaarado joog hoose ku socda lagu arkayo Deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Diyaaradahan maanta lagu arkay magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa aragtidooda waxay ku soo beegmeysaa iyadoo horaantii bishan ay Ciidamo Mareykan ah oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya ay Gantaalo ku duqeeyeen Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo duqeyntaasna ay waxyeello ka soo gaartay Dad iyo Xoolo ku dhaqnaa Degmadaas.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa Xuduudaha Hawada, Badda iyo Berriga Soomaaliya waxay noqdeen kuwo ay ku soo xadgudubto cid kasta, halka Xuquuqda Xuduudaha Dalalka Caalamka ay yihiin kuwo dhowrsan oo ay sharci darro tahay in ruqsad la’aan la galo.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia