3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2008
Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo isku rasaaseeyay Xaafadda Xararyaale ee Degmada Wardhiigley

Talaado, March 18, 2008 (HOL): Deegaanka Xararyaale oo ka tirsan Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir ayaa saaka waxaa ka dhacay iska hor-imaad dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Iska hor-imaadka dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeday ayaa waxaa uu yimid kadib markii rag bastoolado ku hubeysan ay weerar ku qaadeen Askar ku suganeyd nawaaxiga Isgoyska Xararyaale.

Markii uu dhacay iska hor-imaadka dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa gebi ahaanba xirmay isu socodkii dadkii iyo gaadiidkii isticmaali jiray Wadada Wadnaha, gaar ahaan inta isku xirta Isgoysyada Siinaay iyo Xararyaale, kuwaasi oo socodkooda hakiyay kadib markii ay maqleen rasaasta ay labada dhinac is-weydaarsanayeen.

Iska hor-imaadka ka dhacay Deegaanka Xararyaale ee Degmada Wardhiigley ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay gelinkii dambe ay Kooxo ku hubeysan Bambo gacmeedyo weerar ku soo qaadeen Ciidamo ku sugnaa Deegaankaas, iyadoo weerarkaasina uu sababay dhimashada Haweeney ka dhaweyd halka uu iska hor-imaadka ka dhacay.

Inkastoo ay xaaladda haatan degan tahay, hadana waxaa weli hakad ku jira isu socodka dadkii iyo gadiidkii isticmaali jiray Wadada Xararyaale, kuwaasi oo inta badan u shaqo tegi jiray Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wadada Wadnaha oo kaliya laga isticmaali jiray inta u dhaxeysa Isgoyada Sanca iyo Xararyaale ayaa waxay maanta ka furan tahay kaliya inta u dhaxeysa Isgoysyada Sanca iyo Siinaay, iyadoo inta kale ee isku xirta Xararyaale ilaa Tareebuunka ay u xiran tahay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
3/18/2008 11:01 AM EST
Talaado, March 18, 2008 (HOL): Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ah meesha ugu badan ee ay u barakaceen dadkii ku noolaa Magaalada Muqdisho ee ka cararay dagaallada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

3/18/2008 10:59 AM EST
Talaado, March 18, 2008 (HOL): Diyaarado joog hoose ku duulayay ayaa maanta lagu arkay hawada Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo diyaaradahaasina ay si weyn u cabsi geliyeen dadka degmadaas ku dhaqan.

3/18/2008 6:09 AM EST
Talaado, March 18, 2008 (HOL): Dadka ku dhaqan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa maanta waxay sameeyeen dibadbax ay uga soo horjeedeen ganacsatada Degmooyinkaas oo isugu daray sicir barar iyo weliba in ay diidaan lacagta duugowday ee Kunka Shillin Soomaaliga ah.

3/18/2008 5:28 AM EST
Talaado, March 18, 2008 (HOL): Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, garabka uu Hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa si weyn u soo dhaweeyay hadal uu shalay sii daayay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay.

3/18/2008 5:26 AM EST
Talaado, March 18, 2008 (HOL): Ciidamo Boolis iyo Mileteri ah oo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku rasaaseeyay gudaha Magaalada Baydhabo, xili ay labada ciidan sameynayeen howlgallo amni sugid ah.

3/18/2008 5:22 AM EST
Talaado, March 18, 2008 (HOL): Tan iyo wixii ka danbeyay dhawaan markii ay kooxo hubeysan ku toogteen gudaha Degmadda Buula-burte Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka waxaa la so darsay xaaladda guud ee Degmadda jahwareer dhinaca Nabad-galyada oo sameyn buuxdda ku yeeshay howlihii Maamulka ee halkaa ka jiray.