4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2008
Waa Sidee Xaaladda Degmada Buulo Burte ee G/Hiiraan?

Talaado, March 18, 2008 (HOL): Tan iyo wixii ka danbeyay dhawaan markii ay kooxo hubeysan ku toogteen gudaha Degmadda Buula-burte Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka waxaa la so darsay xaaladda guud ee Degmadda jahwareer dhinaca Nabad-galyada oo sameyn buuxdda ku yeeshay howlihii Maamulka ee halkaa ka jiray.
 
Waxaa dibada ugga baxay Deggmadda inta badan ganacsatadii gacansaarka la laheyn Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan kadib markii ay deggmadu saldhig u noqotay kooxaha ka soo horjeedda Dowladda kuwaa oo sidda wararka  laga helayo Buula-burte sheegayaan lagu dhax arkayo degmadda iyagga oo ku hubeysan noocayadda hubka.
 
Gudoomiyaha Degmadda Buula-burte C/siis Duurow oo ay la hadashay HOL bal si wax badan looga ogaado xaaladda guud ee degmadda ayaa sheegay in amaanku yahay mid wanaagsan, isagga oo intaa ku daray in uusan ogeyn kooxo la wareegay maamulka deggmadda Buula-burte.
 
C/siis Duurow Gudoomiyaha Degmadda Buula-burte ayaa dhawaan waxaa uu khilaaf soo kala dhax-galay gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed taa oo la oran karo waa mid qeyb ka ah siyaasadaha iska soo horjeedda ee hadda ka jira gudaha Degmadda Buula-burte.
 
Maalintii shalay ayaa kulan ay albaabadu u xiran yihiin waxaa magaaladda Beledweyne ku yeeshay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo qaar ka mid ah saraakiisha Nabad-galyada kaa oo sidda laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah looga wadda hadlay xaaladda Degmadda iyo waliba sidda laga yeelayo kooxaha hubeysan ee la weegay awoodii maamulka.
 
Ugu danbeytii ayeey wararku sheegayaan in kulanka laysku afgartay in loo diro Degmadda Buula-burte Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka si halkaa looga saaro kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda maamulka Gobalka Hiiraan, inksatoo aan la sheegin goorta Ciidamadu halkaa gaarayaan.
 
Inkastoo Maamulka Gobalka Hiiraan uu sheegay in Degmadda Buula-burte fariisin ku lee yihiin kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, ayaa hadana waxaa soo baxaya su'aalo dhowr ah oo dhamaantood micno kale u yeeli kara xaaladda hadda ka taagan gudaha degmada,  tanse ugu balaaran waxaa ay tahay sidii laga yeelayaa Gudoomiyaha degmadda Buula-burte oo sheegay in wali maamulku shaqeynayo islamarkaana aysan jirin kooxo la wareegay awoodii maamulka.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia